Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Dawlada Denmark oo booqosho ku Yimid Somaliland


 

 


Wasiirka Iskaashiga Denmark ayaa Sheegay in Somaliland ku amaanan tahay Deganaashaha ...



Hargeysa (TNN)-Wasiirka ISkaashiga iyo Horumarinta ee Wadanka Denmark Mr Christian Frieze oo Booqasho ku jooga Somaliland ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo .

Wasiirka Iskaashiga Denmark ayaa Sheegay in Somaliland ku amaanan tahay Deganaashaha iyo Xasiloonida ay samaysay isla markaana ay muuqato Doorka ay Somaliland ka qaadan karto Mandaqada iyo Geeska Afrika Dawladiisuna ay Diyaar u tahay in ay sii xoojiso kaalamada ay Siiso Somaliland.

Wasiirka ayaa intaa Raaciyey Heerka ay Somaliland ka gaadhay Horumarinta Dimuqraadiyada iyo amaanka Xilli ay Somaliland ku Taalo mandaqad Halis ku xeeran tahay Taas oo Ah Calaamad in aanu sii kordhino waxtarka aanu ka geysano Dalkani.

Wasiirka Iskaashiga Dawlada Denmark Mr Christian ayaa ka dhawaajiyey In Dawlada Denmark ay XafiisFarsmo ka furan Doonto Somaliland Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen Sida loo sii wadayo horumarinta iyo Maamul wanaaga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa sheegay Geestiisa in ay aad ugu Faraxsan yihiin Imaatinka Dawlada Denmark iyo Waftigooda iyada oo wadanka Denmark yahay mid ka mid ah Wadamada Taageera Somaliland .

 

 

Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland