Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Ergayga Qaramadda Mido obay Ee Somalia Iyo Mahiga Raali-gelina Ka Bixiyey Hadal Gef Ah Oo Xafiiskiisu Ka Galay Somaliland

 

 



Mr. Mahiga waxa uu sheegay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimadda Somaliland...........


Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga oo socda al rasmi ah oo qaadan doona muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.

Ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga, ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi waxa uu ugu horayn raali gelin buuxda ka siiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo hadal qadaf ah oo uu tilmaamay inay shaqaalihiisu sameeyeen mar uu xafiiskiisa ka maqnaa oo ay warqad ciwaan khaldan ah u soo direen Madaxweynaha Somaliland.
 

Mr. Mahiga waxa uu sheegay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimad da Somaliland, waxaanu xusay in Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba ka raali gelinayo khal adkaasi.

Ergayga Qarramadda midoobay waxa uu sheegay in socdaalkiisa oo laba maalmood qaadan doona ay ujeedadiisu tahay sidii uu goob joog iyo markhaati uga noqon lahaa qaabkii ay u dhacayso door ashadda deegaanka ee maalinta beri dalka ka dhici doonta.

Ergeygu waxa uu sheegay in xafiiskiisa Hargeysa uu ka shaqaynayo sidii qarramadda midoobay xid hiidh adag ula yeelan lahayd Somaliland. waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gacan siinayaan si dii looga midho dhalin lahaa wada hadalladda u bilaabmay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, kaasi oo Madaxweynaha Somaliland ay ku masaaleen Madaxweyne dawlad goboleed.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ergayga uga waramay doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacaysa maalinta beri taasi oo uu sheegay inay tahay doorashadii shana ad ee ka hirgashay Somaliland tobankii sanadood ee ay dalka ka tisqaadeen nidaamka asxaabta badan.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland