Madaxweyne Siilaanyo Oo Maayar Jiciir Ku Amray In Aanu Bixin Karin Dhulka Guriga Xisbiga Ee Maanta Mudaharaadku Ka Dhacay

 


Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyad da...

Hargeysa (TNN) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aya a caawa go’aan uu ku xayirayo ka soo saaray wajahada dhulka guriga xisbiga ee Magaala da Hargeysa oo D/Hoose ee Hargeysa ay u qeybisay dad ganacsato ah, taasi oo maanta rabsh ado ka dhaceen.


Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:-


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaany o) waxa uu Amar ku bixiyey in aan Dhulka ku Xeeran Guriga Xisbiga aan la bixin Karin, la iibin Karin sifo kalena loo isticmaali Karin.

Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi xayiraada Dhulkan: Waxaa jirta in Xukuumaddu u qorshays ay baahi Qaran Guriga Xisbiga iyo dhulka ku xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku tallo-gal naqs had-dhuleedka danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana Madax we ynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taas oo u muuqata in aan la tixgelin.


Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas loo qabo, waxaan ku farayaa in aan dhulkaas la bixin karin waxna laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaan ba Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.


Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la farayaa inuu warbixin ka soo diy aariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan tahay.”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland