Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo inuu Xil-ka-qaadis iyo Isku Shaandhayn ka Mug-weyn tii hore soo saaro Toddobaadkan gudihiisa

 

 


Ma dhabaa wasiiraddiisa inuu ka codsaday Istiqaalad inay soo qortaan haddii ay doonayaan inay u mad ax-banaanaadaan Ururada Siyaasada


Hargeysa(TNN)-Warar aan ilaa hadda cadayn ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo toddobaadkan gudihiisa soo wado Isku-shaandhayn kale oo ka culus tii uu toddobaa dkan ku sameeyay Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa, si uu uga faa’iidaysto inuu u magacaabo Siyaasiyiin iyo masuuliyiin hanan kara xilalkii laga soo bixi waayay mudadii sanadka ahayd ee ay xukuumaddiisu jir tay.

Warkan waxa xoojinaya ilo wareedyo meelo kala duwan ka soo baxay kuwaasoo Suuqa soo galiyay inay jiraan masuuliyiin badan oo la hadal hayo inay mar kale Seeftu la tagi doonto isla markaana Kuraastoo da ay buuxin doonaan Siyaasiyiin kala duwan oo isugu jira kuwo hore xil uga soo qabtay Xukuumadii Ra yaale iyo kuwo cusub, iyadoo uu ka mid yahay Raga sida aad ka ah loo hadal hayo Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Injineer Cali Xoor-xoor oo ahaa masuul xariif ku ahaa shaqadiisa iyo ta kala dajinta Beesha uu ka soo jeedo ee degta Gobolka Saaxil iyadoo ay beeshu wakhtigan Saluug ka muujisay Saam iga ay ku leeyihiin Xukuumadan Siilaanyo.

Warku waxa uu intaa ku darayaa Madaxweyne Siilaanyo si uu u kala shaandheeyo Xubnaha uu doonay o inuu ku daro raaca labaad digreetooyinka uu wax kaga bedelayo Xukuumaddiisa waxa la sheegay inu u soo saaray qoraal uu kaga codsanayo Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumadiisa ee uu Hungurigu kaga jiro inay Furtaan Ururo Siyaasadeed ama ay ka mid noqdaan inay soo qortaan Istiqaalad si uu hawshoo da ugu fududeeyo.

Fursada labaad ee la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku kala haadiyo Xukuumadiisa ayaa la sheegay inay keentay dhaqdhaqaaq farabadan oo ka soo Unkamay shirar Doceedyo hoose inay bilaabeen inay tartan u galaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen jagooyinka banaanaanaya, waxaana la sheegay dadka arrintan u Xusul duubani inay bilaabeen Ololayaal Miisaan culus oo gaalaa-baxaya Qasriga Madaxtooya ddaiyo Goobaha lagu kulmo.

Waxaanu damac weyni galay qaar ka mid ah masuuliyiintii Xukuumadii Rayaale qaar ka mid ah oo markii hore cabsi ka qabay inaanay mar kale fooda soo galin doonin talada Dalka inta uu Kulmiye joogo balse markii ay arkeen xubnihii u danbeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay xubno u badan Xis bigoodii UDUB hanqalka la soo kacay maadaama ay taladii Kulmiye u muuqato mid ka maarmi weyday w aayo aragnimadii UDUB.

Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa la sheegay inuu saamayn badan ku yeeshay Madaxda xukuumadda qaarkoo d kuwaas oo wadnaha farta ku haya isla markaana ku dedaalaya sidii ay isku badbaadin lahaayeen, iya doo ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda xarumihii wasaaradahoodu noqdeen meelo laga gu uray oo aanay shaqo ka socon.

 

Source: Waaheen