Madaxweyne
Siilaanyo Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Mid Ah Ma dax dhaqameeyadda
Dalka, Kallana Hadlay Shirka London Ka Dhacaya Ee Loo Qabanayo
Qaybaha Somaliya

Madaxweynaha iyo dawlada waanu ku taageersanahay in laga qayb galo
shirka, waanan ugu ducayn aynaa," Suldaan Axmed Daahir
Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo (Siilaanyo),
ayaa maanta kulan saacaddo qaatay waxa uu qasriga Madaxtooyadda kula
yeeshay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, kulankan oo
ahaa mid aan loo ogolayn Warbaahinta isla markaana ay albaabaddu u
xidhan yihiin, ayaa lagaga wadda hadlayay shirka dhowaan ka dhici
doona magaaladda London ee cariga Ingi riiska, shirkaas oo loo
qabanayo Maamuladda ka jirra Somaliya, iyadda oo Dawladda Somaliland
lagu c asuumay shirkan, isla markaana Xukuumaddu shaaca ka qaadey in
ay ka qayb galayso.
Salaadiintan oo warbaahinta la hadlay markii ay kulanka Madaxwaynaha
la yeesheen ka dib ayaa sha aca ka qaadey in ay iyaga iyo
madaxweynuhu ay ka wadda hadleen arimaha la xidhaadha shirka Lond
on, waxana ay sheegeen in ay madaxweyne Siilaanyo ku taageerayaan in
uu ka qayb galo shirka Lon don.
Suldaan Axmed Daahir, oo ka mid ahaa madaxdhaqameedyaddii la kulmay
madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in ay soo jeedinayaan in shirka
London dhowaan ka dhici doona laga qayb gallo, waxana uu yidhi isaga
oo arimahaasi ka hadlayaa “Waxaanu ka soo baxnay shir aanu la
yeelanay madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro oo aanu ka wada
hadalnay go’aanka ay gaaadheen ee in laga qayb galo shirka London
lagu qabanayo oo lagu soo casuumay dawlado badan oo ay ka mid tahay
Somaliland, kaasoo aanu hore anagu hadii aanu nahay Golaha
Salaadiinta si gaar ah u falan qaynay, ka dibna waxaanu isla garanay
inay maanta haboontahay in laga qayb galo”.ayuu yidhi Suldaanku
waxaanu intaa ku da ray “Nasiib wanaag madaxweynaha iyo dawladu
waxay go’aamiyeen , oo ay naga talo geliyeen in lala qaato go’aanka
ay soo jeediyeen oo shirkaasi si mug leh looga qayb galo, anaguna
anagoo ka wakiil ah umadda Jamhuuriyada Somaliland waxaanu ku
taageernay in laga qayb galo shirkaasoo maanta w axa inoo diidayaa
jirin, waayo oo dawlad isku dheeli tiran ayaynu nahay”
Suldaan Axmed Daahir waxa uu sheegay in ka madax dhaqameed ahaan
ahaan waxana uu yidhi “Mark aa Madaxweynaha iyo dawlada waanu ku
taageersanahay in laga qayb galo shirka, waanan ugu duca ynaynaa,
shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan lu soo
jeedinaynaa inay go’a ankaa nala qaata”
Dhanka kale waxa iyana madashaasi ka hadlay Suldaan Aadan Faarax
Cumar iyo Suldaan Xiis Bare Yu usuf, waxana ay sheegeen in ka madax
dhaqmeed ahaan ay taagersan yihiin in la tago shirka ka dha caya
Bishan Magaaladda London, waxana ay sheegeen in jaanis weyn ay u
tahay Somaliland in ay ka qayb gasho shirkan.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|