Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Qaatay Orodyahanka Caanka Ah Ee Cabdi Bille Cabdi


 

 


madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada orod yahankan... ...
 


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxam uud (Siilaanyo) ayaa habeenkii xalay ahaa ku qaabiley xafiiskiisa Orod yahanka weyn ee Cabdi Bille Cabdi oo booqasho ku jooga dalka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada orody ahankan oo taariikhda orodada caalamka baal dahab ah kaga jira, Siilaanyo waxa uu sheegay in xukuumada uu hogaamiyaa ay mar walba dhiirigelinayso sidii ay ciyaaraha Somaliland u gaa dhi lahaayeen maqaamka adduunka.


Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka waramay inay mudadii koobnayd ee hogaaminta qaran ka ay hayeen ay u suuro gashay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland isla markaana ay ka soo baxday dhalinyaro ku firfircoon dhinaca ciyaaraha.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa dhiniciisa Madaxweynaha uga waramay taariikhda orod yahankan oo sannadihii 1987kii ilaa 1989 kii ku guulaystay tartamo tiro badan .

Dhinaca kale, Orod yahankii hore ee Cabdi Bille Cabdi ayaa u mahadceliyay madaxweynaha jam huuriyada Somaliland soo dhawaynta wanaagsan ee uu kala kulmay isagoo xukuumada ku ama anay tartankii xamaasada lahaa ee ciyaaraha gobolada dalka ee dabayaaqadii bishii December lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Burco kaas oo uu ku tilmaamay talaabo dhinaca wanaag san loo qaaday isla markaana dhiirigelin u ah sidii da’a yarta Somaliland loogu jihayn lahaa ciya araha kala duwan.
 


Timacade News desk