Madaxweyne Siilaanyo oo kulan la yeeshay Dallada Dha lin yarada
Somaliland Ee SONYO iyo Nuxurka Qodobadii laga Wada Hadlay..
Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa maanta kulan qasriga Madaxtooyada kula yeesha
Dallada kulmisa dhalinyarada Somaliland ee loo soo gaabiyo magacooda
SONYO.
Kulankan ayaa ahaa mid ay Dalladu madaxweynuhu ula timi inuu wax
kala qabto laba qodob kuwa asi oo kala ahaa:
1 Taageerada dhismaha dhulka Sonyo ay ka dhisanayso xarunta
Daraasaadka dhalinyarada iyo xafiiska Sonyo
2- taageerada halganka dhalinyaradu ku rabaan inay ka qayb-galaan
doorashooyinka dawlada Hoose iyada wax ka bedel lagu samaynayo
xeerka doorashooyinka Dawlada Xeer Lambar 20.
hadaba nuxurka codsiga ay dallada Sonyo Madaxweynaha u gudbisay ayaa
waxa ay ku yidhaahd een sidatan: – “Mudane madaxweyne ugu hroayn
waxay guud ahaan xubnaha Dallada Dhallinya rada Somaliland ee SONYO
ku soo dirayaan salaan kal iyo laab ah, iyaga oo kuugu ducaynaya
inuu Ilaahay kugu garab-galo xilka qaran ee aad hayso, kuuna
dhabeeyo ahdaaftaada siyaasadeed ee aad qarankan dhidibada ugu
adkaynayso islamarkaana aad ku horseedayso horumarka dhaqan-dhaqaale
oo balaadhan.
Mudane Madaxweyne, kulankan aad maanta nagu qaabishay xafiiskaaga
anagoo kaaga mahad c elinayna waxaanu si xushmad qadarin iyo
sharafba leh kaaga codsanaynaa laba qodob oo aanu isleenahay waxay
laf dhabar u yihiin horukaca dhallinyarada iyo hirgelinta
qorsheyaasha dhaw iyo fog ee lau taabo-gelinayo himilada da’yarta
Somaliland.
1- taageeraa dhismaha dhulka SONYO ay ka dhisayso xarunta
daraasaadka dhalinyaraa iyo xafiis yada dallada SONYO, Mudane
Madaxweyne waaanu codsan lahayn in 40% aad naga taageerto kharashka
ku baxaya dhismaha dhulkaas ay xukuumadu na siisay.
2- Taageerada halganka dhalinyaraddu ku rabaan inay ka qayb-galaan
doorashooyinka dawlada ha Hoose iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo
xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose Xeer Lam 20. Mudane Madaxweyne
sidii ku cadayd qorshahaagii iyo barnaamijkaagii doorashada, dhali
nyaradu waxay u taagan yihiin ka qayb-galka tallada iyo hoggaaminta
qarankooda. sidaa daraad eed waxaa loo baahan yahay in la dhimo ama
la yareeyo da’da lagaga qayb-galayo Goleyaasha dawladaha hoose.
ugu dambayntii, Madaxweynaha waxay ku ammaaneen inuu fuliyay wax
badan balanqaadyadii uu dhalinyarada u qaaday, xukunka dalkana ka
qayb-geliyay oo ay iminka jagooyin badan ka haya an.
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in gacanta lagu hayo xeerkaas, xeer
number 20 hay’adaha sha rci dejinta la horgayn doono.Madaxweynuhu
wuxuu tilmaamay dedaalka looga baahan yahay in ay iyagu hirgeliyaan
dhismahaasi, xukuumaduna diyaar u tahay inay ka kabto wixii ka
qabyooba.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|