Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Quluubta Dadweynaha Soo Jiidatay ka
jeediyay Xuska 18-ka May

“Shalay Annagaa Soomaalinimada dan moodaynay
ee waa nala nacsiiyey, Annagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay,
waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno”
“Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha
caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn”
“Wax kasta oo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada
Somaliland waa lama taabtaan”
“Kulamadii Somaliland Iyo Soomaaliya waxa ka soo baxay heshiisyo
summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland”
Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa khudbad dheer oo siyaasiya u jeediyay shacbiga
Somaliland Munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo
noqoshadii xornimada Somaliland darteed.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo
oo dadweynaha khudbad uga jeediyay barxada hore ee xarunta
Madaxtooyadda Somaliland, waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka
mid tahay waxqabadka xukuumadda, siyaasadda, cilaaqaadka Somaliland
iyo beesha caalamka.
Khudbadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhammaystirani waxay u
dhignayd sidan:-
“Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada
maalinta Qaranimada JSL ee 18-ka May. Guud ahaan waxaan dadkayga ku
bogaadinayaa gudo iyo dibedba dabaal degga sannad guurada 22aad ee
aasaaskii Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan Ilaahay uga mahad
celinayaa Nabad-gelyada iyo Nimcada uu ina siiyey iyo horumarka uu
ina waafajiyey.
Waxaan idiin cadaynayaa in waddanka Somaliland yahay:
• Waddan xor ah, Nabdoon isla markaana Dimuqraadiya.
• Waa waddan ina deeqa oo inagu fillan.
• Waa waddan ay dadkiisu gacmahooda ku dhisteen.
• Waa waddan ay dadkiisu ilaashanayaan.
• Waa waddan ay Dunidu ixtiraamto.
Walalayaal waddan kasta waxa wax ka dhiga dadkiisa, waxaa horumar
gaadhsiisa Ummadiisa, waddan wuxuu taabbo-galaa oo horumar ku
talaabsadaa marka dadkiisu meel u wada jeesto, isku duubnaadaan una
midoobaan Qaranimada.
Horumarka dalku waa halbowlaha koowaad ee aynu higsanayno, waxaad
ogtihiin halka uu dhaqaalaha wadanku marayey , waanad ka war-haysaan
halka aanu gaadhsiinay, balse wali fari kama qodna, weli waxaanu u
faydanahay sidii uu dhaqaalaheenu u gaadhi lahaa meel halkaa ka sii
fiican. Waxaanan garwaaaqsanahay baahida jirta iyo heerka ay nolosha
bulshadu marayso iyo duruufa kala duwan ee ay ku nool yihiin
dadkaygu, waxaan garawsanahay, oo ogahay xilka iyo masuuliyada iga
saaran, cidina igama jecla inay gaadhaan nolol aad u fiican,
waxbarasho, caafimaad, cunto iyo biyo ku filan, waxaanse ka xumahay
in dadkaygu maanta dayaceen Xoolihii, Deegaankii iyo waliba Beerihii!
Sidee baynu ku horumaraynaa hadaynaan ku tacbin dhulkeena? Hadaynaan
u samrin oo u dhididin Dhulkeena?
Walaalayaal, dunida maanta waynu isu furanay oo wufuud badan iyo
dalxiisayaal kala duwan ayaa maalin walba ina soo booqda, Soomaalidu
waxay tidhaa “hugaagu wuu kula marti tagaa”.
Waxaanu dib-u-dhis, dib-u-habayn iyo dhismayaal cusub oo bilic leh
ku kordhinay xafiisyada wasaaradaha dawlada badankooda.
Waxaanu ka bilownay Caasimada wadooyin casri ah, si aynu ula tartano
caasimadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa dunida, insha Allaahu
goboladana waanu gaadhsiin doonaa. Waxaanu dardar gelinay dhismaha
wadooyinka laamiga ah ee magaalooyinka isku xidha.
Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan ka gaystaan oo aydaan waxba kala
hadhin mashaaricdaas kala duwan ee aynu ku talaabsanay fullintooda.
Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen
aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisii iyo
Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana
maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan
hummaaga lahayn.
Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida
Bulshada Caalamka intiisa kale. Dalkani maaha wax xalay dhashay,
wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer,
dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii
dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya.
Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa (Reer Somaliland) horseed u
ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo.
Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba
Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5-tii July markii uu
Yuusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga
qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii
laga filayey Midnimadiina lagu Hungoobay! .
Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci
lahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya ku midoobi lahaayeen dadkii Reer
Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan
kala hor yimid, balse nasiib darro dhagahaa laga furaystay, taasi
waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee
reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay
tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland.
Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii
Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii
Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho.
Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida
imikaba caadada u ah Soomaaliya in dad Suuqa jooga oo aan metelin
Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer
Somaliland israacii kaga talax-gabeen.
Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii
dawladii digteetarka ahayd, cid dambana tallo lama waydiin, waxaana
lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay
JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko
Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi
karin.
Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi
karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii
Hargeysa ay ka baro kiciyeen illaa intii ay dhaafeyeen xuduudka
Ethiopia.
Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Soomaaliya hindisaha Midnimada
anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Soomaalinimada dan
moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin
ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo
tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin
riyadii beenowday ee 5tii Somaliyeed.
Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland
waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku
dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.
Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso
ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad
Ilahayna haw Barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda
wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia
Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo.
Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo
iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed.
Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan
nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha
sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga
ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la
dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaynu dib-u-dhis iyo horumarin ku samaynay maamulka dawladnimo,
amniga, difaaca qaranka iyo adeegyada bulshada.
Inaga oo ka bilownay wadamada aynu jaarka nahay waxaynu adduunyada
kula dhaqanay jaar wanaag, wax wada qabsi iyo in aynaan faro galin
ku samayn arrimaha u gaarka ah dalalka kale.
Dhammaan talaabooyinkaasi waxay ay dhabada u xaadhayaan inaynu ka
midho dhalino qadiyada madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland,
waxaynu ku talaabsanay inaynu usoo bandhigno beesha caalmka
jiritaankeena, heerka aynu gaadhnay iyo sida ay inooga go’aan tahay
hanashada madax banaanideenu.
Waxaynu ka badheedhnay, in aynaan cidna uga waaban in aynu tagno,
kana qayb-galo gole kasta oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland,
talaabadaasi waxay inoo soo kordhisay:
• Inay qadiyadeenu gaadho fagarayeyal badan oo aanay hore u
gaadhiin.
• Inay qadiyadeenu noqoto mid caalamku xog-ogaal intii hore ka badan
u yahay maanta.
• Inay abuurmaan dalal badan oo danaynaya gogolna u fidiyay wada
hadalada Somaliland iyo Somalia.
Waxaa kulamadaas ka dhashay kana soo baxay heshiisyo caalamku goob
joog ka yahay oo summad u ah jiritaanka qaranka Somaliland.
• Inaan faro-galin lagu samayn karin qaranimada JSL wax walbana lagu
dhamaysto wada hadal iyo wada xaajood ku dhisan nabad gelyo iyo is
ixtiraam.
• Waxaynu kasbanay daneeyayaal cusub oo maalgashi ka bilaabay
dhulkeena.
Gudo iyo dibed, maanta arrimaheenu waxay galeen marxalad cusub oo
aynu ku xaqiijinayno horumarka dalkeena iyo hanashada madax banaani
buuxda oo aynu gaadhno, geed dheer iyo geed gaabanba waynu u fuuli,
god kasta oo ay inala gashaba waynu ka saari doonaa Insha Allaahu.
Gabo-gabo
Nabad galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska
dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya
Ciidmada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad
gelyada iyo difaaca qaranimada dalka.
Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka,
madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan
muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda.
Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u
dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan
ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda.
Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda,
dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga
gudbaan wadajir iyo midnimo. Waxaan balan qaadayaa inaan dalkayga
iyo dadkayga ku hogaamiyo dariiqa horumarka, dhawrista xuquuqda,
amniga, difaaca qaranka iyo qabyo tirka madax banaanida dalka Insha
Allahu. Waxa aan eebe inooga baryayaa in aynu ku gaadhno
munaasibadan teeda kale nabad-gelyo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo,
in Illahay qaranka ka dhigo mid waara oo dadkiisu ku noolaado
Gobonimo, Barwaaqo, Sharaf iyo Horumar. Mahad Eebaa Leh, idina waad
mahadsantihiin.”
Dhinaca kale, Kumanaan dadweyne ah ayaa maanta qarqiyay jidadka
waaweyn ee magaaladda Hargeysa kuwaasi oo sitay calanka Somaliland
oo ay ka dhigteen koofiyado, garamo, jeeni qaar, toobad iyo
istiikaro.
Sidoo kale waxa socod gaardis ah ku maray jidka badhtamaha
magaaladda Hargeysa sadexda ciidan qaran, shaqaalaha dawladda,
ururadda bulshadda, jaamacadaha iyo ardayda dugsiyadda sare.
Cumar Maxamed Faarax
|