Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbad taariikhiya ka jeediyay
xuska 21 sanno guuradda madax-banaanida Somaliland oo lagu qabtay
magaalada Hargeysa

Hargeysa 18 May 2012(TNN)-Khudabadda Madaxweyanaha Somaliland,mudane
Axmed Maxam ed Maxamuud (Siilaanyo), oo ahayd mid aad u
dheer,oo taariikhiya,ayaa waxay u dhacday sida tan:
“Madaxda
Sharafta leh ee Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga
Somaliland,waxaaa n idinku salaamayaa salaanta islaamka,
Asalaamu caleekum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu
Mudanayaal iyo marwooyin,marka hore waxa mahad leh illaaheena weyn
ee innagu simay in ay nu maanta u dabaal-degno xuska munaasibadda
sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay maalinta qaran-nimada
Somaliland oo ah 18 MAY.
Waxa mahad leh illaaha innagu
galaday guusha qaran ee aynu maanta hayno.
Munaasibada xuska maalintan weyn waxaan Hambalyo iyo boogaadin u
dirayaa Golayaasha Qaranka, Madaxda kale ee Dawladda, Ciidamada kala
duwan, shaqaalaha, ardayda, Jaaliyadaha debeda, Ururada Bulshada,
Culimada, Madaxda dhaqanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Dhamaanba
shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanan leeyahay
Hambalyo—Hambalyo—Hambalyo Sannadka sannadkiisana waxa aan illaahay
ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo, guul iyo badhaadhe
iyo Qarankeena Somaliland oo sii xoogaysta siina adkaada.
18 MAY waa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa
Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is
haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland.Waa maalintii aynu ka bogsanay wixii inna
soo maray oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusubiyo dhismaha
Dawladeed ee aynu gacanta ku hayno.
Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo
maalintii uu yimi isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay,
naf iyo maal badanna lagu waayey, Waxaan Ilaahay uga baryayaaa intii
ku shahiiday saraakiil, askar iyo shicibba lahayd ee naftooda ku
waayey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan hadday tahay
kuwii xabada madaxa u dhigay ee naftooda u hibeeyay ee maanta nool,
kuwii xoolahoodii geliyay iyo kuwii maskaxdoo da iyo muruqooda
geliyay ee daafaha dunida kala jooga, tacabkeenii wuu midho dhalay
oo wax aynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii
waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu
xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabd oon, leh
sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala
danbayno, dunidu na inagu ixtiraamto.
Waa hubaal weli waa curdin, oo geedka gobanimada Somaliland manuu
gaadhin wakhti midho bi slaaday iyo hoobaan laga daldalo, waase
lagaadhi doonaa insha Allaahu ee haloo sabro, ha da alina, ha u
damqanina duruufaha iyo waayaha, hana iska duminina qaranimada
idinkaa leh ubad kiina iyo kuwa tagoogiina ku jira ayaa u aayi-doona,
intii aynu dhib usoo maray, qaar inala wada agayay oo inaga badsaday
ayaa maanta xabaalaha ku jira oo aan ka calfanin, halka qaar kalena
laxaadkoodii ku waayeen ubadkoodiina aanu weli daryeel qabin, oo xil
inaga wada saaranyahay.
Beesha Caalamka
Dadyawga beesha caalamka iyo
dawladahoodaba waxa aanu u sheegaynaa oo aanu ku cel-cel in aynaa
Somaliland waa xaqiiqo jirta, Somaliland waa run, Somaliland waa
cadceeda oo kale, waxaanay ku timid rabitaanka shacbiga dalkan iska
leh, waxay ku timid samir iyo dedaal dheera ada,waxay ku timid
naf-hur iyo isa saamax aanu kaga duwanahay cid kasta oo duruuf-nala
wadaagta, Somaliland waxay ku timid dareen loo dhan yahay.
Maanta oo uu qarankanu 21-tan jirsaday afar Xukuumadoodna si
dimu-quraadiya isu soo bedel een waxa hubaal ah in aanu buuxinay
shuruud kasta iyo xujo kasta oo ay Beesha caalamku ku xidhay
aqoonsiga Somaliland. Waa hubaal in intooda badan dawladaha dunidu
ay ka marag kac een indhahoodana ku arkeen xaqiiqada ka jirta
Somaliland.
Ha dheeraato ama ha dhawaato waxaan doonayaa in aan mar kale ku
celiyo oo aan Bulshada caalamka u caddeeyo in aanay Somaliland
marnaba ka noqonaynin go’aankeeda, oo ay ku qan acsan tahay
jiritaankeeda iyo Qaran-nimadeeda iyo in aanay Somaliland ka daalayn
xaqiijinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waanu u
sabraynaa wakhti kasta oo ay nagu qaa dato iyo qiimo kasta oo nagu
tagto, waxaanan ku kalsoonahay in ay maruun ka mid noqon doo nto
dawladaha dunida ee la aqoonsan yahay.
Madax-banaanida Somaliland waxba kama bedeli karaan Siyaasi, Suldaan
iyo shakhsi meel teg ay, waa qadiyad umadeed mana jirto cid loo
igmaday oo aan ahayn Golayaasha Qaranku. Waan a dembiile Qaran qof
kasta oo ka qayb-gala shir ka dhan ah qaranimada Somaliland.
Mudanayaal iyo marwooyin
Waa la socotaan oo dhawaan waxa
magaalada London lagu qabtay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen
in ka badan 45 dawladood. Shirkaasi waxa ka soo baxay go’aan
taariikhiya oo mark ii ugu horaysay ay beesha caalamku ku qirtay
inay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan. Innagu dhinaceena
wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena
Sooma aliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo
fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qada rinaya go’aankii loo dhamaa
ee beesha caalamka.
Soomaaliya
Waxaynu wada ognahay in xaalada
Soomaaliya ay muddo cakirnayd oo ay colaado naafeeyeen, shacabka
Soomaalidana ay kasoo gaadhay dhibaato aad u balaadhan, waanu ka
xunahay, wax aanu la jecelahay wanaag, waxaanu illaahay uga
baryaynaa deganaansho iyo horumar. Hogaa miyayaasha siyaasada ee
Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta
bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay
ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.
Qurbajooga
Anigoo og kaalinta ay mar walba
kaga jiraan nolosha bulshada waxa aan si gaar ah halkan uga xusayaa
qurba joogga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kuwaasoo la hubo
inay door laxaa dle ku leeyihiin kor u qaadida maqaamka Somaliland,
Xuska maalintan weyna waxaan idin leeyah ay Hambalyo.
Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada
Hanaanka Dimu-quraadiyadeed ee
dalkeena ka hana qaaday wuxuu laf-dhabar u yahay wada-jirkeena,
nabadeena, isu-tanaasulkeena iyo guud ahaanba jiritaanka qarankeena.
Maanta waxa aynu ku guda jirnaa tabaabulshaha doorashooyinka
dawladaha hoose oo aan ku rajo weynahay in ay dhawaan ka qabsoomi
doonaan dalka, ururada iyo xisbiyada ku tartami doona doorashada
waxaan kula dardaarmayaa inay xil weyn iska saaraan illaalinta
nabad-gelyada iyo shuruucda dalku leeyahay.
Ballan-qaadyadii xukuumaddu fulisay waxa ka mid ahaa furashada
ururrada siyaasiga ah, taas oo aannu u arkayno xaq muwaadinku
leeyahay. Haddii tartan la galo cid uun baa guulaysata, inta kale ee
hadhayna guusha way la wadaagtaa, Ururrada ku hadhay wejigii koowaad
ee tarta nka iyo kuwa ku hadhi doona tartanka dawladaha hooseba
waxan leeyahay isu arka in aad guu laysateen mar haddii ujeeddadii
aynu u wada soconnay meel martay. Waad ogtihiin oo
80 cod baannu kaga hadhnay doorasho madaxtinimo, sababta
aannu sidaa u yeelnayna waxa ay ahay d in aan ixtiraamno danta guud
iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.Samirku nacasnimo maaha,
hadiise aad ku qanci waydo natiijada waxaa kuu furan in aad tabash
adaada u marto dariiqa sharci ah oo aad dhawrto hanaanka Garsoorka.
Nabadgelyada
Anigoo u mahadnaqaya dhamaan
ciidammada kala duwan ee qaranka kuwaasoo had iyo jeer heegan u ah
difaaca dalka, iyo adkaynta nabadgelyada gudaha, sidaa si la mid
ahna waxaana u mahad celinaya madax dhaqameedka, waxgaradka iyo
dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee ku garabtaagan xoojinta amaanka,
waxaan leeyahay meel wanaagsan baynu joognaa waxaana lagama maarmaan
ah inaynu maskaxda ku hayno in ay nabadgelyadu tahay tiirka ugu
muhiims an jiritaanka bulsho iyo dawladnimo, sidaa awgeedna waxaa
lama huraan ah inaynu illaalino mid nimadeena, wada jirkeena iyo
isku duubnideena. Waxaan u tacsiyadaynayaa dadkii ku geeriyoo day
shaqaaqadii ka dhacday xerada Ciidanka Qaranka oo ahayd dhacdo aan
la fillayn, waxaan si gaar ah u xusayaa ciidamadii halkaa ku dhintay,
waxaanan ka xumahay cid kasta oo wax ku gaadheen.Waad Mahadsantihiin.”
Timacade News Desk
|