Madaxweyne
Siilaanyo Oo Khudbad Dheer Oo Dhinacayo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay
Shirkii Ka Dhacay London Sheegayna In Somaliland U Qalanto In La
Aqoonsado

“Somaliland waxa ay xorinimadeedda dib ula soo noqotay 1991 kii
wakhtigaas oo ay go’aansatay in ay gooni isu taagto, dalka
Somaliland waxa ka dhacay Doorashooyin kalla duwan" Siilaanyo
London (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaan yo ayaa khudbad dheer oo dhinacayo badan
taabanaysa maanta ka jeediyay shirkii ka socdey magaa ladda London
kaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 45 Madaxweyne oo ka mid ah
kuwa beesha caalamka, haayaddo caalami ah, Qaramadda Midoobey, iyo
masuliyiin kalle.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hedlay sidda ugu haboon ee xal
waara loogu helli karo dalka s omaliya ee dagaaladda iyo colaadu
aafeeyeen, waxana uu sheegay in Dawladda Somaliland ay diyaar u
tahay in khibradeedda ay uga faa’iideyso dalka somaliya, waxana uu
sheegay in Somaliland ay diya ar u tahay in ay ka shaqayso sidii xal
loogu heli lahaa Dalka Somaliya.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in
Somaliland ay xorimadeeda la soo no qotay 1991 kii sidaas awgeedna
ay go'aansatay isla markaana ay ka shaqaysay Arimaha Horumarka,
waxana uu tilmaamay in Somaliland ay guul ka gaadhey Dhanka Aamank,
waxana uu tilmaamay in sha cabka iyo siyaasyiinta Somaliland gar
waaqasadeen isla markaana ay fahmeen Muhiimaddu uu lee dah ay
Nabadgelayaddu.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland ay 20 jirsatay
sidaas awgeeddana labaatank aas Sanno ay ka gaadhay dhanka
nabadgelyadda, Caafimaadka iyo Waxbarashadda kaalin muuqata, waxana
uu carabka ku dhuftay in Somaliland ay ka jirto Dimuqraadiyadda,
doorashooyin kala duwan oo u dhacay hab nabadgelayo ah, waxana uu
intaas ku daray Madaxweyne SIilaanyo in Bulashadda Somaliland
go’aansatay in ay ka godo somaliya, sidaas awgeed waxa uu sheegay in
beesha caalamku ay qadariyaan isla markaana ay xushmeeyaan
rabitaanka umadda Somaliland.
Somaliland waxay lee dahay Xudood, ciidan , lacag iyo baasaboor u
gooniya ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, Somaliland waxay ka
fakartay oo ay ka tashatay mustabalkeedda fog waxana ay diyaar u
tahay in ay gooni isku maamusho, ayuu si qayaxan u sheegay
madaxweynaha Somaliland.
“Somaliland waxa ay xorinimadeedda dib ula soo noqotay 1991 kii
wakhtigaas oo ay go’aansatay in ay gooni isu taagto, dalka
Somaliland waxa ka dhacay Doorashooyin kalla duwan kuwaas oo u
dhacay si xaq ah oo xalaal ah, waxana goob joogayaal ka ahaa
haayaddo caalami ah, Somaliland ma haysta aq oonsi caalami ah,
waxana ay beesha caalamka ka sugaysaa in la ictiraafo Somaliland”
ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo .
Timacade News desk
London ,UK
|