Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Toosinta Gasoorka, Dastuurka Somalia Iyo Nabad-geylada Gobolada Bari


 

 

waxaanu sidaasi ku sheegay fariin uu bulshada u mariyay Telefishanka qaranka..................

Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Wa siirka Arrimaha gudaha ku amray inuu soo saaro digreeto uu ku xadidayo isticmaalka awooda ha maaliyadeed ee dawlada Hoose ee dalka mudada ay ku jiraan xiligan kala guurka ah si aan ay ugu tagri falin hantida qaranka.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu hadlay toosinta cadaaladda, nabadeynta gobola da bari, wada hadalada Soomaaliya iyo dastuurka cusub ee dalkaasi ee dhawaan lagu ansixiy ay magaalada Muqdisho, waxaanu sidaasi ku sheegay fariin uu bulshada u mariyay Telefishan ka qaranka.

DAWLADDAHA HOOSE EE DALKA

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayay Goleya asha deegaanka ah ee muddo dhaafay iyo qorshaha xukuumadiisu ka qaadatay mudada ay ku jiraan dawladaha hoose xiligan kala guurka ah, waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah oo dhegahayga ku soo batay cabashada dadweynaha ee goleyaasha deegaanka dalka aanay wax badan ka qaban horumarkii loo baahnaa ee dhinacyada jidadka magaalooyinka, bilicda iyo khashinka. Waxa hubaal in adeegyadii bulshadu ka sugaysay dawladaha hoose dayac badani ka muuqdo, inkasta oo ay dawladaha Hoose qaar ka mid ahi ay la yimaadeen dedaal, wax bandanna qabteen bulshaduna u markhaati tahay oo ay taariikhdu qori doonto midba meesha uu ka galo. Waxaan leeyahay cimrigiina ceeb ha ku sagootiyina oo dedaalla mudada idiin hadhay.”

“Waxaan leeyahay Goleyaasha deegaanka Doorashaduna ha idiin timaado idinka oo shaqeynaya. Anigoo tixgelinaya duruufaha iyo wakhtiga kala guurka ah, waxaan farayaa Wasiirka Daakhiliga inuu soo saaro qoraal uu ku xadidayo awoodaha isticmaalka maaliyadda. Si aanay u dhicin in qofna uu ku galo olale u khaas ah si aan loo jabin qorshaha horumarinta Maaliyadda ee sanadkan 2012-ka kaasi oo la doonayo in dawladaha hoose loo adeegsado horumar 50%,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay Goleyaasha deegaanka in la dhiso waddooyinka halbowlaha u ah ee mara magaalooyinka dhexdooda iyagoo la kaashanaya dawladda dhexe. Waxa kale oo uu u soo jeediyay inay wax ka qabtaan nadaafada magaalooyinka dalka, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ah bulshada ugu fadhido ilaalinta fayo-dhawrku.

TOOSINTA CADAALADA IYO BAHDA GARSOORKA

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay toosinta nidaamka cadaaladda waxa uu balan qaaday inuu u guntanayo sidii loo toosin lahaa loona hagaajin lahaa Garsoorka dalka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay bulshadda u leedahay sugida cadaaladdu, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Cadaaladdu waa udub dhexaadka nolasha, waa aasaaska jiritaanka dawladnimo. Waxaanay abuurtaa kalsoonida iyo isku xidhnaanta maamulka dawladda iyo bulshadda.Hadaba si loo helo cadaalad darteed, ayaa dastuurka dalku qeexay madax-banaanida garsoorka. Waxaanu u maamuusay bahda garsoorka iyo cadaaladda. Anigoo arrintaasi ka shiidaal qaadanaya isla markaana fulinayana balan qaadkayagii xiligii doorashadda waxaan isku dayay inaan isbedel ku sameeyo garsoorka iyo cadaaladda. Waxaanu is bedelay ku samaynay dhammaan intii awoodu ii saamaxaysay sida maxkamadda sare, Xeer-ilaalinta guud iyo Gudida cadaalladda. Waxa isbedelay lagu sameeyay Maxkamadaha racfaanka ee goboladda dalka.”

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray “Waxa abuuray Ha’yada xuquuqul insaanka anigoo og inaan cabashadu dhammaanaynin oo cida garta kiiska laga helaa uu cabanayo. Waxaan dareensan nahay in galdaloolooyin xoog lihi ka jiraan Garsoorka dalka oo aanay cabashadii bulshaduna wali is dhimin. Sidaasi darteed, anigoo doonaya madax-banaanida garsoorka waxaan leeyahay dedaalkiina iyo dedaalkayaguba waa hal bacaad lagu lisay. Haddii aanu garsoorku horumar samaynin oo aanay danyartuna cadaalad helin.”

“Waxa igu waajib ah inaan qaato tallaabooyin aan ku saxaayo, kuna horumarinayo cadaaladda iyo Garsoorka, kana daali maayo tilmaanta iyo toosinta intaan ka xaqiijinayo himiladii bulshadu igu dooratay. Ummaddana waxaan leeyahay hantidiina ha ku bixinina cadaalad darro iyo laaluush aad ku burburisaan nidaanka garsoorka, waxaan leeyahay cadaaladda ayaa ah dantiina,”ayuu yidhi Madaxweynuhu,
Waxaanu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu qabto iyadoo jidka toosan ka leexinaysa garsoorka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan idiinku balan qaadayaa cidii lagu qabto leexinta cadaaladda iyo burburinta garsoorka inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo oo aanay naxariis naga heli doonin. Waxaan idiin balan qaadayaa inaan is barbar taago cadaaladda. Waxaan bahda garsoorka kula dardaarmayaa inay dhisaan Garsoorka oo ay dadka ku dhaqaan cadaaladda, dareenkoodana u soo jeediyaan cabashada bulshadda.”

NABAD-GELYADDA GOBOLADDA BARI
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Nabad-gelyada gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi “Nabad-gelyaddu waa wada tashiga, waana tiirarka ugu waaweyn ee ay ku dhisan tahay qaranimadda Somaliland. Culays kasta oo la soo gudboonaadda Somaliland waxay kaga gudubtaa wada tashiga xukuumadda, Goleyaasha, axsaabta siyaasadda, madax-dhaqameedyada iyo aqoon yahanka bulshadda.waxaan ILAAHAY uga mahad celinayaa nabad-gelyada aynu haysano. Waxaanan ku faraxsan nahay inaynu helay dad ajiibay baaqii iyo gogoshii nabadda ee aan mudada dheer ku cel-celinayay oo ay garwaaqsadeen in wada hadalku ka wanaagsan yahay xabadda iyo dagaalka. Waxaan aaminsan nahay inaanay xabadi xal keeni Karin.”
“Walaalayaal, dalku guuri maayo, dadka gayiga ku noolina waa dad walaalo ah oo aan marnaba kala maarmi Karin. Dalka Somaliland waa dal haddii laga shaqaysto wuu inagu filan yahay. Waa in wixii la isku maan-dhaafana wada hadal iyo isku tanaasul ayaa inoo ah dan qaran oo aynu ku soo caano-maalay. Waxaan bulshada Somaliland ku bogaadinayaa kaalintii ay ka soo qaateen nabad-gelyadda. Waxaanan u soo jeedinayaa is dhawra oo is kaashadda.”

WADA HADALKII SOMALILAND IYO SOOMAALIYA
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay wada hadalkii ay la lahaayeen Soomaaliya ay ka dhursugayaan dawladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya oo ay la sii ambo-qaadi doonaan wada hadaladii hore ugu bilowday dawladda TFG-da ee wakhtigeedu dhammaaday, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Soomaaliya waxa noo socday wada hadalo. Maadaama oo dawladii hore wakhtigii ka dhammaaday waxaanu sugaynaa inta ay wax cusub ka dhisanayaan. ILAAHAY-na waxaanu uga rajaynaynaa inay inuu xasilooni iyo is afgarad siiyo.”

ARAGTIDA SOMALILAND EE KU WAJAHAN DASTUURKA SOOMAALIYA


Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaanay Somaliland aqbalayn dastuurka Soomaaliya oo shee ganaya Somaliland,waxaanu yidhi “Waxaanu Somaliland ahaan mowqifkayaga ku cadaynaynaa inaanaan ogolayn dastuurka ay samaysteen Soomaaliya oo aanaan marnaba aqbalayn inay sheegtaan dalkayaga iyo dadkayaga. Waxaanu shalay ahayn laba dal oo isu yimid, maantana waxay shacbiga Somaliland samaysteen dawlad madax-banaan oo ku timid rabitaanka Bulshad da, waxay ummaddani ugu codaysay 97% dastuurka dalkayaga. Waxaanay samaysteen dawl ad iyo goleyaal ku yimid codka dadweynaha.”


Madaxweynuhu wuxuu ku dooday inay Somaliland buuxisay shuruudihii qaranimo ee looga baahnaa, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay u tixgeliyaan rabitaanka ummadda.
“Cid kasta oo ka tafiiran dalka ee la timaada mowqif ka duwan qaranimadda Somaliland waxaanu u aqoonsan nahay dambiileyaal waxaana la horkeeni doonaa sharciga,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Madaxweynaha Somaliland.


Cumar Maxamed Faarax