Madaxweyne
Siilaanyo oo gaadhey magaaladda London, sheegayna in uu ku raja weyn
yahay in uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland

“Shirkan
waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato....."
Madaxweyne Siilaanyo
London (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxam uud Siilaanyo iyo wefti uu hugaaminayo oo ay ka mid
yihiin Marwadiisa Aamina Sh. Maxame d Jirde (Aamina Weris), Wasiirka
Arrimaha Dibadda,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo xog ha yntiisa
gaarka ah ,ayaa maanta gaadhey Magaaladda London ee Cariga
Ingiriiska, ka dib markii ay maalinimaddii shalay ka soo duulleen
Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Soma liland.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisan oo ka soo dagay Madaarka
Caalamiga ah ee Heathro w ,ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyay
masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliy adda Somaliland ee
ku dhaqan wadanka UK.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo waraabhinta kula
hadlayay Qolka Nasashadda ee Madaarka Heathrow, ayaa sheegay in
ujeedda uu u yimid magaaladda Lo nodn ay tahay siddii uu uga qayb
gali lahaa shirka ka dhacaya magaladaas waxana uu yidhi “Waxaan
socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti
balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha
Somaliland Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo,
waxana uu intaasi ku sii daray “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa
weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira,
horumarka aa nu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa
inaanu arrimahaasi ka hadalno.”
Timacade News Desk
London, UK


|