WAR-SAXAAFADEED


 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudee yey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.



Madaxweynuhu:-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;



Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;



Markuu Tixgeliyey: Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GD Q/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhaw aaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;



Wuxuu Go'aamiyey



In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.





ALLAA MAHAD LEH


Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)