TACSI MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan socdaalkii uu ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa tacsi u diray Reer Yuusuf Duca ale gaar aha an Suldaan Siciid Yusuf Ducaale oo uu walaalkii Marxuun Saleebaan Yuusuf Ducaale ku ge eriyooday Magaalada Hargeysa 27/07/2014 laguna aasay.


Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Qaraaba dii, Eh elkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.
 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.