Madaxweyne Siilaanyo oo cafiyay Maleeshiyadii SSC ee dagaaladii bariga Somaliland ka qayb qaadatay

 

 



Hargeysa (TNN) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa cafis Madaxweyne ku sii daayay toddo ba ka mid ah Maleeshiyadii Somaliland-diidka ahayd ee Ciidamadda Somaliland kula dagaalantay Deegaanka Kalshaale ee labada beelood dagaalku ku dhex maray horaantii sanadkan.

Sii daynta Maxaabiistan ayaa maanta laga sheegay xaflad loo qabtay oo ka dhacday Huteelka K aah ee bariga Hargeysa, xafladaasi lagu lamaaneeyay Urur siyaasadeed lagu magacaabo SSC oo macne ahaan ka turjumaya sadexda gobol ee Sool, Sanaag iyo Cayn, taasoo uu hormood ka yah ay Keyse Cabdi Yuusuf oo ahaan jiray Xoghayihii warfaafinta ee Maleeshiyadda SSC.

Si rasmi ah looma oga sii daynta Maxaabiistan waxa ay xukuumadda Somaliland dhaafsatay hase yeeshee sida ka muuqatay xafladaasi loo qabtay waxay u egtahay in ay ka leedahay arrimo Siya asadeed oo ay ku soo xero galinayso beesha ay ka soo jeedaan oo Somaliland nabadgelyadeeda caqabad ku ah.

Sidoo kale arrimaha sii dayntooda ayaa lala xidhiidhinayaa mid lagaga gaashaamanayo Uurada S iyaasadeed ee laga filayo inay ka soo bixi karto shirka Taleex ee ay wadaan Qurbajoogta beesha Dhulbahante ee ay ka soo jeedaan Maxaabiistan la cafiyay iyo xubnaha loo samaynayo Urur Siya asadeedkan cusub oo dhamaantood isku beel ah kana tirsan magaca shirkaasi lagu qabanayo ee SSC.



Maxaaabiista la cafiyay oo kala ah;-

Xasan Xuseen Maxamed

Cismaan Maxamed Bacaad-weyn

Saleebaan Yaasiin Ducaale

Maxamed Cali Cilmi

Dawlad Baaruud Duulane

Cabdi Saleebaan mire

Jamaal Jaamac C/laahi

Ayaa la sheegay in ay ku jireen muddo shan bilood aha xabsiga magaaladda Burco, waxaanay w ararka qaarkood sheegayaan in lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Ganbadha, isla markaana ay ahaayeen ciidan ka yimi dhinaca Madaxtooyadda Puntland.
 

 

Source:Waaheen