Madaxweyne Siilaanyo Oo Booqday Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye, Shacabigana Ku Booriyey Xisbigiisa
 


adaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta baaqasho ku tagay Xarunta dhex..........


Hargeysa (TNN) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maa nta baaqasho ku tagay Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu halkaas kula kulmay Hogaa nka sare ee Xisbul xaakimka Kulmiye.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa intii uu halkaas ku sugaan soo kormeeray Xafiisy adda Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaana booqashadiisaas ku wehelinayey Wasiirka Kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo Marwadda Koowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirdde (Aa mina-weris)


Madaxwaynuhu haddii uu maalintii doorashadda loo dareerayey soo siyaartay xisbigii Kulmiye anaga waxay noo tahay sharaf weyn iyo dhiiri-galin weyn iyo xusuus weyn”ayuu yidhi waxaa nu intaa ku daray “Madaxwaynaha hortiisa waxaanu ka leenahay Kulmiye Natiijada soo baxda wuu caqbalayaa oo Kulmiye laga warwari maayo, waxaanu balan-qaadayaa inuu nabadgalyo ku codeeyo”

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaasi hadal koob an ka sheegay “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan soo siyaarto xarunta xisbiga Kulmi ye, xafiiskana (xafiiska Muuse) waa kii aan fadhiyi jiray, saaxiibkay Muuse-na sida uu ii soo dha weeyay aadbaan ugu faraxsanahay”ayuu yidhi Md Siilaanyo waxaanu intaa ku daray “Khudbad ayda qaranka ayaan u jeedin doonaa, laakiin aad-baan maanta ugu faraxsanahay inaan maant a xisbigaygii aan Madaxda u ahaa, odeyga u ahaa ee xisbul-xaakimka qaranka ah, waxaanan ta ageerayaashiisa iyo cid walba ugu baaqayaa inay taageero buuxda siiso xisbiga

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland