WAR-SAXAAFADEED

 



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013 taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka:

Madaxweynuhu:-

Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Kha yraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka.

Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaa yo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka.

Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayr aadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tall aabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan.

Haddaba, waxa aan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, d eegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah.
 

 


ALLAA MAHAD LEH
 



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.