Madaxweyne Siilaanyo Iyo waxgaradka Gobolka Gabiley ,oo uu
hogaaminayo Suldaanka Guud ee Gobolka ,Suldaan Ismaaciil Suldaan
Cabdiraxman, oo kulan xasaasiya Jilabaha Isku dhigay Qasriga
Madaxtooyadda Somaliland

Inkastoo kulankani uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin balse
warar xogogaal ah oo ay helayso shabakadda Timacade News ayaa waxa
ay sheegayaan......
Hargeysa (TNN)- Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Gabiley ayaa kulan
xasaasiya isla markaana ay alb aabaddu u xidhan yihiin waxa ay caawa
fiidkii la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane
Axmed Maxamed Maxamuud Siiaalyo, kulankan oo ahaa mid garnaqasi oo u
dhaxeeya Beesha Gobolka Gabiley iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa
ka soo qayb galay in ka badan Labaatan Wax gar ad oo isugu jirra
Cuqaasha, Salaadiinta iyo Wax-Garadka Gobolka Gabiley, waxana ay
ergaddani Madax weynaha kala hadleen arimo is biirsaday kuwaas oo ay
ka tirsanayaan Dadweynaha Reer Gabiley xuku umadda uu gadhwadeenka
ka yahay Axmed Siilaanyo.
Kulankan oo ahaa mid adag oo ay jilbaha isdhigeen Madaxweynaha iyo
Odayaasha Reer Gabiley ayaa waxa lagu soo hadal qaadey eedaymo iyo
dhaliilo isbiirsaday kuwaas oo ay ka tabanayaan Bulashadda Gobolka
Gabiley Xukuumadda uu hugaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay
sheegeen wax garad dkani in dhaliilahani ay yihiin kuwo soo jiitamay
isla markaana is biirsaday, waxana ay Madaxweyne Siilaanyo ka
codsadeen inuu wax ka qabto arimahan.
Arimaha ay ka hadlleen odayaashani ayaa waxa ka mid ahaa Badaladdii
Taliyaha Ciidanka Qaranka So maliland Gen Maxamed Xasan C/laahi
Jidhif iyo casiladdii isaga ka horeysay ee Taliye Nuux Ismaaciil Taa
ni, waxana ay Waxgaradkani Madaxweynaha Somaliland u sheegeen in uu
ku degdegay casiladaadda labaddan Taliye.
Inkastoo kulankani uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin balse
warar xogogaal ah oo ay helayso sh abakadda Timacade News ayaa waxa
ay sheegayaan in waxgaradkani ay si cad Madaxweyne Siilaanyo ugu
sheegeen in dadweynaha kala gadisan ee Reer Gabiley aanay helin
isbadalkii ay sugayeen, waxana ay tilmaameen in Xukuumadda taladda
dalka haysaa ay ka gaabisay in ay umadda u soo bandhigto wixii ay ka
sugayeen, loona baahan yahay in wax jira ee lakala tabanayo la
dhameeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ayaa ujaawabay wax garadka Reer Gabiley, waxana uu qiray
in tabashooyinkani ay yihiin wax jira balse waxa uu hoosta ka
xariiqay in loo baahan yahay in hawshan iyo tabashaddan lagu
dhameeyo sidda ugu macquulsan isla ma r ahaantaasna ugu dhkhsiyaha
baddan, waxana uu Madaxweynuhu ka cudur daartay in wakhti xaadirk an
uu si wanaagsan hawshan uu udhamaystiro, isaga oo ka garaabay wax
kasta oo ay codsanayeen w axgaradka reer Gabiley, balse waxa uu
Madaxweyne Siilaanyo balan qaadey in tabashooyinkan uu gud da gali
doono ka dib marka uu ka soo noqdo shirka London.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si qayaxan waxgaradka reer Gabiley ugu
sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu u dhamaystiri lahaa tabasho
kasta oo jirta, waxana uu intaasi ku daray inaanuu wax kasta oo
itaalkiisa ah ka hagarnayn, balse waxa uu waxgaradka Gabiley ka
codsaday in lala shaqeeyaan xukuum adda.
Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad,
waxana wax garadka ka qayb ga lay ka mid ahaa
Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan Iyo
Chief Caaqil Cabdi Ciidlle Amaan, iyo wax garad kalle
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|