Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi oo Shalay kulan Fool ka fool ah Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Iyo Muuse Biixi Oo Faro madhan kala soo baxay


 

 


Dhanka kale Waxa Ay Wararku Sheegayaan In Maalintii Doraad Hayd Ay Oday Dhaqameedyo Ay Muuse Biixi Isku ....

Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay Aroornimadii Qasri ga Madaxtooyadda kulan aanay cidi ku wehelinaynin kula yeeshay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo Habeen hore ay ka dhabqiyeen Koox Wasiiro ahi.

Xog badan lagama hayo kulanka gaarka ah ee ay Siilaanyo iyo Muuse wada yeesheen, balse Ilo Xog Ogaal U Ah labada dhinacba ayaa Timacade News u xaqiijiyay in fara madhan uu Muuse Biixi kala soo baxay Madaxtooyadda , kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo gaashaanka u daruuray soo jeedimihiisii.

Nuxurka soo jeedimaha Muuse Biixi ee uu la hortagay Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay ahaayeen Shirweynaha Xisbiga Kulmiye in loo gacan banaaneeyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, in uu qabto bisha Sideedaad ee sanadkan iyo in aanu kula tartamin Wasiirkiisa Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale.

Soo jeedimahan ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo dhamaantoodba inuu ku diiday Muuse Biixi, waxaanay wararka ay Timacade News helaysaa sheegayaan Siilaanyo inay ka go’an tahay Sanadka 2014-ka bisha Sideedaad inuu qabto, isla markaana ay Xukuumad iyo Xisbiba ka wada qayb qaadan doonaan Maamulkiisa iyadoo loo mari doono Xeerka Xisbiga oo dhigaya Guddi Qaban qaabo in la magacaabi doono.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku adkaysanayaa inaanau Xisbigu cidna u xidhnayn ee lagu tartami doono haddii ay Wasiir tahay iyo haddii cid kale oo Xisbiga ahba damac ka galo, isagoo ku goodiyay Wasiir Samaale inaanu ka hor istaagi Karin Hankiisa Siyaasadeed.

Go’aamadan uu Madaxweyne Siilaanyo ugu Quus gooyay Mujaahid Muuse Biixi ayaa noqonaya kuwo soo af-jara Ololayaashii iska soo horjeeday ee ka dhex dilaacay Muuse Biixi, Samaale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo rag door ah oo kaadariyiinta Kulmiye ah.

Dhanka kale Waxa Ay Wararku Sheegayaan In Maalintii Doraad Hayd Ay Oday Dhaqameedyo Ay Muuse Biixi Isku Jifada Hoose Yihiin Casuumad Qado Sharafeed Ah U Sameeyeen Wasiirka wasaarada Maaliyada Sh.C/casiis Maxamed Samaale Munaasibadaasi Oo La Sheegay Inay Ujeedadeedu Ahayd Xaal Marin Ay Odayaashu ak Xaalmarinayeen Wasiirka Maaliyada Hadalo Deel-qaaf Ah Oo Uu Ku Duray Gudoomiyaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

 



Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland