Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa oo Mar kale u taag an
Tartanka Madaxtinimada, Xaaladda Kulmiye ee wakhtigan iyo Aragtida
Xisbiga ee Midowga WADDANI iyo UMMADDA

Hargeysa (TNN)-Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga talada dalka
haya ee KULMIYE, ahna mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne
Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu noqonayaan murrashaxiinta xisbigooda
uga qaybgeli doona doorashada soo socota e madaxtooyadda, isagoo ku
dooday in ilaa hadda xisbiga iyo bulshada reer Somaliland kalsooni
weyn ku qabaan hoggaaminta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka
xilka haya.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay aragtidooda midawga Urur siyaasadeedkii
Dr. Maxamed Cabidi Gab oose ee ku biiray WADDANI iyo arrimo kale.
waabeeyeGudoomiye ku xigeenka Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, waxa uu
sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Jamhuuriya ku siiyey
magaalada Hargeysa, wuxuuna si cad u she egay in aanu jirin qof kale
oo murrashax KULMIYE u noqon kara marka laga reebo madaxweyne
Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa, waxa kale oo xildhibaanku tilmaamay in
madaxweynaha talada haya a uu xisbiga KULMIYE gaadhsiiyey
himilooyinkiisii, siddaa darteedna uu xaq u leeyahay inuu mar kale
isku sharaxo madaxweynenimo.
Waraysiga xildhibaan Weebeeyo oo dhinacyo badan lahaa, isla markaana
uu kaga hadlay aragtid a KULMIYE ee la xidhiidha isku biirida
ururkii UMADDA iyo xisbiga WADDANI, gorgortan iyo wadah alo xisbiga
talada hayaa la leeyahay ururradii siyaasadda ee ku hadhay
doorashadii golayaasha degaanka iyo qodobo kala duwan, waxa isagoo
faahfaahsan uu u dhacay siddan;
Xildhibaan Waabeeyo oo ugu horreyn la weydiiyey Xaaladda Xisbiga
Kulmiye ee Wakhtigan, wax a uu ku jawaabay, ?Xisbiga KULMIYE waxa uu
hadda tallada dalka hayey muddo laba sanno iyo bilo ah, waxaana weli
jira dad badan oo reer Somaliland ah oo aad ula dhacsan hoggaanka
KULM IYE iyo hannaanka uu u socdo ee uu wax u wado, waxaana taas
caddaynaya doorashadii golaya asha degaanka ee dhawaan dalka ka
dhacday in KULMIYE ahaa xisbiga qudha ee kaalinta 1aad ka galay
gobolada dalka oo dhan, waxayna taasi muujinaysaa in taageeradii
xisbiga KULMIYE jir to oo uu hoggaaminta dalka ku wado hannaan aad u
wanaagsan.?
Wargeysku waxa uu Xildhibaan Waabeeyey su?aalay sababta keentay in
Xisbiga Kulmiye lagaga Guulaystay Maayarrada magaalooyinka Waaweyn
ee Dalka, ?Way jirtaa taasi oo xisbiga KULMIYE wuxuu ku guulaystay
maayirnimada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama oo ka mid ah magaal
ooyinka waaweyn ee dalka, wayna jiraan magaalooyin yaryar oo xisbigu
maayarada iyo ku-xige ennadaba ka helay, dadkeenuna waxaad moodaa in
aanay u bislayn dhinaca dimuqraadiyada oo waad ogtahay in xisbiga
ugu xildhibaannada badan in haddana si kale looga adkaan karo oo
xulaf o laga samaysan karo si xisbiyada kale u doortaan maayirnimada
iyo ku-xigeenkaba. Markaa maa daama KULMIYE hoggaaminayey tiro
badnaanta xildhibaannada golayaasha degaanka, haddana way jiraan
meelo badan oo aannu maayirnimada ku guulaysan, taasna waxa sabab u
ah xildhiba annada oo ah dad la doortay oo iyagu xaq u leh in cidda
ay doonaan iska dhexdoortaan, taasna u malayn maayo inay ceeb tahay
oo xildhibaannada la doortay xisbiga ama ururka ay doonaan ha ka soo
baxaane ayaa sidaas gartay, xisbiga KULMIYE-na wax farogelin ah kuma
samayn, una malayn maayo in taasi cannaan noqon karto,? ayuu yidhi
Md Waabeeye.
Su?aal: Xeerarka dhinaca doorashooyinka ee dalku waxay
sharciyeynayaan in ururradii siyaasa dda ee hadhay iyo
xildhibaannadoodii guulaystayba ay ku biiri karaan saddexda xisbi
qaran ee soo baxay, ma jiraan ururo ama xildhibaanno aad gorgortan
kula jirtaan siddii ay KULMIYE uga mid noqon lahaayeen?
Jawaab: Way jiraan arrimahaas oo dhami, dhawaana way soo shaac bixi
doonaan oo ma doona yo in aan hadda ka sii hordhaco, laakiin waxaan
rajaynayaa ururradii hadhay intooda ugu badani inay KULMIYE ku soo
biiri doonaan, arrintaasna waxa la arki doonaa toddobaadyada soo
socda, way jiraan in ururkii UMADDA iyo hoggaankiisii ku biiray
WADDANI, waxaase jira in ururo kale oo badani u soo socdaan dhinaca
KULMIYE, dhawaana waydun arki doontaan iyagoo cuddudoodii iyo
taageerayaashoodiiba wata, KULMIYE-na wadahadalo iyo gorgortan buu
ururradii hadhay kula jiraa, wax qabyo ah iyo wax la dhameeyeyna way
jiraan, dhawaana waynu arki doonaa.
Su?aal: xisbi ahaan siddeed u aragtaan isku biirista xisbiga WADDANI
iyo ururkii UMADDA oo Dr. Gabboose oo KULMIYE in badan la soo
shaqeeyey hoggaaminayo?
Jawaab: Horta qofku run ahaantii isagaa xaq u leh meesha uu galayo
iyo cidda uu ku biirayaba, sharcigaana ururradii hadhay u banneeyey
meesha ay ku biirayaan, ururkii UMADDA iyo Gabbo ose-na iyagaa
goostay inay ku biiraan WADDANI, taasna waxaaannu u aragnaa in wixii
ay xaq u lahaayeen ku dhaqaaqeen, laakiin waxaan rajaynayaa dad
badan oo ururkii UMADDA ka tirsan oo xildhibaanno iyo siyaasiyiinba
lihi ay iyagana u qorshaysan tahay inay ku soo biiraan xisbiga
KULMIYE, dadkuna iyagaa xaq u leh cidda ay ku biirayaan oo kuwa
WADDANI ku biiray xaq bay leeyihiin, inta KULMIYE ku soo biiraysaana
xaq bay u leeyihiin.
Su?aal: Waxaa soo dhaw shirkii xisbiga KULMIYE, waxa jira warar
sheegaya in madaxweynaha So maliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
uu mar labaad xisbiga dhexdiisa iska sharax ayo, waxa kale oo jira
in la leeyahay wasiiro xukuumadda ka tirsan ayaaa iyaguna leh
han-siyaa sadeed oo inay is sharaxaan doonaya. Bal arrimahaas ka
waran?
Jawaab: Horta shir weynaha xisbiga KULMIYE waxa uu ku beegan yahay
bisha saddexaad (March) e e sannadkan 2013, shirkaasna waxa lagu
doortaa golaha dhexe ee xisbiga, sannad ka dib ayuu golaha dhexe ee
xisbiguna doortaa murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxwe
yne-ku-xigeenka xisbiga, markaa weli lama gaadhin bishii March,
shirkaasna waxa lagu doorayaa golaha dhexe, sannadka 2014-ka ayuu
golaha dhexena dooranayaa murrshaxiinta xisbiga, laakiin su?aasha
muhiimka ahi waxay tahay madaxweyne taagan oo xilkii haya ma jiro
qof kale oo KULM IYE ah oo murrashax noqon karayaa, xisbiguna waxa
gabigiisuba doontaa ee uu u halgamayaa waa inuu dalka hoggaamiyo oo
madaxweyne ka noqdo, markaa haddii xisbiga KULMIYE madaxwe ynihii
hayo, ma jirto inta madaxweyne Siilaanyo madaxweyne yahay qof kale
oo xisbiga ah oo madaxweyne doonayaa, maadaama shuruucda dalka iyo
dastuurkuba madaxweynaha u fasaxa yaan inuu noqdo madaxweyna mar
labaad tartami kara, xisbiga KULMIYE-na wixii uu u halgamay ey iyo
himiladiisii wuu gaadhay, waxaana gaadhsiiyey madaxweynaha talada
haya oo murrashax u ahaa, ilaa haddana hoggaamintiisii dalka iyo
sidda dadku ula dhacsan yihiina way wanaagsan tahay, markaa ma
jirayso duruuf odhanaysa qof kale oo KULMIYE ah ayaa madaxweyne isku
sharaxaya, madaxweyne Siilaanyo ayuunbaa murrashax ahaanaya, taasina
waa caddaan.
Su?aal: Madaxweynaha waxa la doortay oo uu xilka haynayaa muddo shan
sanno ah, muddadaas kadibna waxa mar kale xisbiyadu u tartamayaan
doorashada madaxweynaha, KULMIYE ahaan ma waxaad leedihiin shanta
sanno ee dambena madaxweyne Siilaanyo ayaa murrashax ah oo tartamaya,
mise qorshe kale ayaad wadaan?
Jawaab: Horta dalkeenu waxa uu ku shaqeeyaa hannaanka madaxweynaha
iyo madaxweyne-ku-xigeen (Presidential system), waad ogaydeen oo
imika doorashadii Maraykanka waxa markii labaad ku guulaystay Obama,
mana jirin madaxweyne ka socday xisigiisa dimuqraadiga oo Obama la
tartamay, sababtoo ah wixii ay u halgamayeen madaxweynihii ayaa ah
oo kursigii ku fadhiya, markaas Somaliland-na sidaas oo kale weeyaan
oo marka shanta sanno dhammaato madaxwey naha kursiga ku fadhiya
ayuun baa KULMIYE murrashax u ah, cid kale oo isla sharaxaysaana ma
jirto.
Su?aal: Waxa kale oo suuqa ku jira warar sheegaya in jagada
madaxweyne-ku-xigeenka KULMI YE laga dhigayo siyaasi ka soo jeeda
dhinaca degaannada bariga Somaliland, bal arrintaasna ka waran?
Jawaab: Ma jirto sabab nagu kelifaysa in murrashaxa
madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE laga dhigo siyaasi gobolada bari ka
soo jeeda, madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka mar baa la wada
doortay, waana labada nin ee guushii KULMIYE keenay, marka shantooda
sanno dhamm aatana suurtogal maaha in midna la sharaxo, midna iska
tag la yidhaaho, markaa waad ogaydee n oo Joe Biden (madaxweyne-ku-xigeenka
Maraykanka) ayuun baa madaxweyne-ku-xigeen u ahaa Obama (madaxweynaha
Maraykanka), imikana madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka
ayuunbaa murrashaxiin u noqon doona KULMIYE, Insha Allaah haddii la
gaadho golaha dhexe ee KULMIYE ee sannadka 2014, haddii aanay
iyaguna ka tannaasulin murrashaxnimada oo aanay odhan isma
sharaxayno, labadooda ayuun baa murrashaxiin noqonaya, cid kalena
islama sharaxayso.
Su?aal: Guddoomiye, waxa inta badan la idinku eedeeyaa in xukuumadda
tallada haysaa ka xuub siimatay xisbiga KULMIYE oo dad badan oo aan
KULMIYE ahayn ay xukuumada xilal kala duwan ka hayaan, xisbigii
tallada hayeyna bannaanka la dhigay, waa siddee wadashaqaynta
KULMIYE iyo xukuumaddu?
Jawaab: Isweydiinta dadka waxa keenay oo sabab u ah ayaan u
malaynayaa dadku waxay arki jireen madaxweyne, isla markaana ah
guddoomiye xisbi, tusaale ahaan madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale,
ahaana guddoomiyihii UDUB, markaa isweydiintan waxa imika keentay
madaxw eynihihii iyo guddoomiyihii xisbiga oo kala gooni ah,
xaqiiqaduna waxay ahayd in KULMIYE dadka tuso dariiq cusub oo
hoggaamineed oo la kala saaro xukuumadda iyo xisbigii, iyadoo hadana
KULMIYE yahay kii dawladdani ka dhalatay, marka wax cilad ah iyo wax
dhibaato ah oo KULMIYE iyo xukuumaddiisa u dhexeeyaa ma jiraan,
xisbiga iyo xukuumadu way wada shaqeeyaan, xaalad kasta oo timaadana
waannu ka wada tashanaa oo xisbigu waxa uu leeyahay door muhiim ah,
xukuumaduna wixii tallo ah markasta xisbiga way la garab taagan
tahay. Mana jiraan wax shaki iyo khilaaf ah oo u dhexeeya xukuumadda
iyo KULMIYE, laakiin hawlmaalmeedkii xukuumadda iyo hawlmaalmeedkii
KULMIYE ayuun baa kala duwan.
Source: Jamhuuriya
|