Madaxweyne sidii u kugu lisay mujaahid Musa
Biixi wax ugu hanbee.


 



Waxan dhamaan salaamaya shabakadaha ku abtirsada JSLand ee heeganka u ah hadh iyo habe en sidii ay inooga haqab tiri laayeen wararka dalkii hooyo iyo caalamka kala ba, aad baan idinku bogaadinayaa shaqadaasi ad heysan ee ad u hurteen shacabkiina.

Beriyahan danbe waxa maalin ba maalinta ka danbeysa saxaafada ku soo badaneyay qoraalo ku saabsan ururo siyaadadeed in la furo iyo inkale, dadbadan baa runtii si wanaagsan u dhigay oo jawaab macquul ah ka dhiibtey aragtidooda, qaarna jahawareerin iyo durbaan beeleysan  b ey tumayaan, waxad mooda in ay awoodii u madaxweynuhu lahaa ee u dadka ku kala hagi la'aa meesha ka maqan tahay oo ad moodo inuu kubadii ba dhex dhigay shacabkii, ila hadda waxa  m uuqda is dhexyaaca iyo afkaar aad u kala fog, madaxweyne Siilaanyo waxa iga muuqda BEERKA JECLI XEYDHA JECLI oo waxad mooda in ay kalsoonidi uba ku yartahay oo anu isticmaali kariney awoodii u sharcigu u ogola oo doorbidayo inuu gudiyo iyo xilal kale oo an sharciga waafaqsaney abuuro. Waxan aaminsahay inuu isagu go'aan kiisa ku meel mariyo oo u dalka horumarkiisa iyo shuruucda ku dhaqo, maaha madaxweynuhu inuu xaaladkaste u saaro gudi u jeedo badan, wu xu dalku u baahan yahay go'aan geesinimo oo an labalabac laheyn madaxweyne. Xaaladaha ad ag ee ka horyimaada qaar kood uma baahnid wada tashi iyo gudiyo loo saaro, waxayaabo bad an oo ad xaq u leedahay ayaad hore gacanta uga galisay gudiyo.


Hadii an xaalada u dalku marayo dib ugu soo noqdo waxa jiira xalado adag oo loo baahan yahay in dadka lagu jeediyo oo u baahan in waxbadan laga qabto, dalku wuxu ku jira xaaladihii laga duceysan jiray kuwaaso ah Colaad iyo abaaro baahsan, maanta maaha runtii maalin la yidhaahdo ururo siyaasadeed shacabka ha lagu mashquuliyo, maanta waxa loo baahan yahay in shacabka lagu waciy galiyo sidii looga dabaalan lahaa abaarahan iyo colaadan soo noqonoqoneysa, waxa loo baahan yahay dawlada iyo shacaba in gacmaha la iswada qabsado oo loo balamo sidii labadaasi xaaladadood looga gacan sareyn la'aa, ilama haboona in shacabka xalaasha ah durbaan beeleysan loo garaacin, sowtii dawladii Riyaale odhan jirtey dalka dagaalo sokeeye iyo abaar baahsan baa ka jirte doorashad dib inoogu dhiga, waxa runtii haboon in ay dawladu muwqif cad iska taagto islamarkan xaalada dalku ku sugan yahay cadeyso oo ah Colaad iyo Abaar, maanta arinkan ururo siyaasadeed oo la fura waa dhabar jab loo geysanayo qaranimada JSLand iyo isu duubnida wadareed ee shacabka iyo dawlada.


Waxan runtii la yaaban nahay sababta keentey inuu labadii halgame ee ururka qaran hogaaminaya uu madaxweyne Siilaanayo uga diray golihiisa wasiirada hadii u doonayo inuu ururo furo, waxa haddaba aakhristo halka inooga bidhaameysa in anu madaxweyne Siilaanayo diyaar u aheyn in la furo ururo siyaasadeed, sida an aaminsanahay wuxu xisbiga kulmiye ku soo xero galiya rag waaweyn oo siyaasiyin isku sheegay inuu furi doono ururo siyaasadeed, waxan leeyaha qoladan Udhis ee laga dul booday ee sida indho la'aanta lleh u taageertey Kulmiye marku ka dhawaajiyay balan qaadkii ahaa ururo siyaasadeed baa la furayaa, waxan leeyahay mujahiidinta iyo madaxda kale ee hor boodaya UDHIS candhuufina dib u liqa oo dib isugu noqda GOAL CAJIIB AH ayaa la idinka badiyee, balantaasi u kulmiye idinku baaqeyna waxay la mid tahay balamo badan oo ila hadda cirka ku laalan. su'aashan wali ma isweydiisen sababta u Dr Gaboose iyo Eng Maxamed Xaashi ugu magacaabay wasiiro, taasi waa markhaati ma doonto inuu madaxweynuhu anu marna ka raali aheyn in ururo la furto.

Talo kusocta xisbiga kulmiye iyo taageerayaashood iyo madaxweyana

Teeda kale wuxu madaxweyne siilaanayo sidii balantu aheyd ku wareejiyay xilkii gudoomiye ee xisbiga kulmiye muj Musa Bixi Cabdi oo runtii beeshiisu aheyd lafdhabarta xisbiga Kulmiye guusha u soo hooysay ee kursiga u hibeysa ina uu ku fadhiisto islamarkan la'aantood anu ku fadhiisan kareen, waxan haddaba dhawr qoraal oo ay taageerayaal reer kulmiya ihi soo direen u arkaa balamo la burinayo oo la doonayo in xisbiga kulmiye lagaga cararo mujahid Musa Biixi Abdi, haddii ad madaxweyne taageerto kuwa doonaya in la furo ururo siyaasadeed islamarkan raba in ay furtan urur siyaasadeed beeleysan oo u waxan u aragna balan kale oo la burinayo oo kulmiye looga digo roganayo, waxan leeyahay madaxweyne sidii quruxda badneyd ee u mujaahid Musa Biiixi kugu lisey isagan markiisa ugu hawl gal inoo talada dalka mar u gacanta ku dhigo somalidu waxay tidhaahda ABAAL NIN GALA WAA LA ARKA NIN SE GUDAA WAA YAR YAHAY.

Waxan leeyahay madaxweyne sidii gobonimada aheyd ee kursiga laguu saaray abaalkeedii celi oo MJahidka, markale waxan leeyahay Siilaanyo raggii maalintii ad hamuunta kursiga qabtey dusha ku saartey ha ku wacad furin balantiina ha kagaga bixin, cid walbaN kaga eexday, taasi waa iga talo oo waxaan runtii meel fog ka arka talooyin beeleysan oo runtii ka soo burqamaya xisbiga kulmiye oo la rabo in lagu wanjalayo mujaahid Musa Biixi Abdi, waa hadii la furo ururo siyaasadeed islamarkan madaxweynuhu taageero.

Waxaynu maanta nahay sadex xisbi qaran oo siman oo xisbi kaste laga heli karo shacabka soomaliland oo dhan ama ay ka wada muuqdan, haddii se ururo siyaasadeed la furo waxa iman doonta o la arki doona iney beel walba calan yar meel sudhato islamarkan aynu noqono tusabax afkii laga furay, waxan sidaa uga baqaney inuu tusbaxasi noqon doono xisbiga Kulmiye oo runtii xumxum badani ka soo yeedheyso islamarkan ay fari ku godan tahay oo dadbadn oo taageersan in la furo ururo siyaadeed ka dhex muuqdan, waxanse u sheegay hadii ay taasi dhacdo oo iga balan ah inaan kusoo biiri doono xisbiga Kulmiye oo inaadeerkey gudoomiye u yahay, hadii uu dareenkaasi beeleysan yimaado o ururada la furo islamarkan taageerayaasha kulmiye kala furfurmaan waxad ogaatan inuu nin walba xaafadiisa qabanayo oo u taageeri doono xisbiga ay beeshii leedahay.

Inkastoon runtii hore uga baxay kulmiye hadii ay noqoto in la furo ururo siyaasadeed oo beeleysan oo xisbiga kulmiye dhabarka loo soo jeediyo oo ay beesheydu ku kaliyeesto waxa hubaal ah in uu nin walba u hogaansami doona ururka beeshiisu hor boodayso, haddaba si aney kalsooni daradaasi ama ayaan daradaasi inoogu dhici waa in an la ogolaan ururo beelesyan oo tiro badan waxan leeyahay waar yaan nalagu qasbin inaanu taageerno beeshayada iyo urur siyaasadeedka beeshayadu leedahay ama sameyn doonto.

Haddaba miyaaney aheyn in shacabka loogu baaqo sidii Colaadaha iyo Abaaraha loogu jiheyn la si ay gacmaha isku wada qabsadaan oo ay dalka iyo dadka ba difaacan, waxan ka codsanayaa madaxweyynaha inuu gaashan ka bir ah ku sidii looga hortagi la,aa ragga gudoomiyaasha hamuunta u qaba.

Anigoo ah muwaadin taageera xisbiga UCID waxaan ugu baaqaya shacabka JSLand iyo ragga u damaco ka hayo inay noqdan gudoomiye xisbi ku soo biira xisbiga UCID, si ad uga faaiideysatan islamarkan uga qeyb gasho doorasha gudoomiyaha iyo madaxda kale ee loo balan san yahay in la qabto doorasho xor oo xalaal ah oo xisbiga gudihiisa ka dhici doonta sanadkan dabayaaqadiisa hadii alle yidhaahdo.

Waxaan kusoo gabagabeynayaa in siyaasiyinta hamuunta u qaba in ay ka qeyb qaatan siyaasada dalka islamarkan kusoo biiran sadexda xisbi qaran ee maanta beelaha soomaliland ka wada dhex muuqdan.

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway