madaxweyne riyaale waxa uu jidgooyo u galay dimoqraadiyadii somaliland

 

waxaa dulucda sheekadu tahay waxaan filayaa sharax la,aan in  cinwaa nka kor ku xusani ku filan yahay balse hadal lagama daalee aan tilmaamo woxogaa yar oo muhim u ah qoraalkayga waxaa m/ne rayaale uu galay jidka u dhaxeeya sadexda gobol ee galbeedka iyo sadexda bariga waa agagaarka hargeysa amintu waa saq-dhexe waxaa uu qafaashay afar shay


1-doorashadii s/land
2-diiwaangelintii
3-hay,adii diiwaanka lafteedii
4-nabadgelyadii landtu ku faanaysay


hadaba waxaan shacbiga s/land ku baraarujinayaa inay dib u soo tiriyaan meel ka dhacyada loogu soo dulqaatay ina rayaale,iyo waxyaabaha uu caadaystay eeuu u hayso xarfad uu kaga badbaadi karo xufrad kasta oo ka hortimaada bal aan idin xasuusiyo dhawr arimood
waxaa uu caadaystay inuu isa soo bar-bar dhigo cid aanay wadaagin sharci iyo waqtitoona sida golayaasha deegaanka ee waqtigii ka dhamaaday ee uu ku halqabsanyey ee uu lahaa kuwaasiba maad aragtiin maxaad u fulinweyday arinta ceel-bardaale?
j/kuwii iga horeeyey maxay u fulinwaayeen wasiiru daakhilbay ahaayeene


maxaad diiwaan-gelinta u laashay?
j/simbabweba waa la iska daayey
waxaan filayaa inad in badan oo kale aad xasuusan doontaan oo kamid ah hadalada dhaqanka unoqday rayaale.


hadii aan u leexdo xaga komishanka waxaan odhan lahaa bal ka soo qaad anagoo tiina raacnay ma waxaad qurux u haysataan oo caqli saliim ahi qaadan karaa in xisbigii ila tar-tamayey ee udub uu waraaqhaha codbixinta uu iigu soo daabaco madbacada maandeeq?


badhasaabaduna ay noqdaan komishanadii gobolada sida aad qoraalka maanta01/08/09 idinka soo baxay ku xusteen inay makarafoonada diyaariyaan ama sida cali sanduleba ku dhaaranayey e ahayd inuu daacad u noqonayo hawshaasi loo igmaday.


hadaba caqliyada aan ku arkayo komishankan waxaan u arkayaa inay tahay tii aws iyo khasraj waxaanan leeyahay hadii aad u haysataan inaanay carshiga ku qornayn inta idin diidani waxaan filayaa inaad alaha carshigaa leh aad keligii qiimayn lahaydeen oo aanu m/wne idiin kala waynaadeen.


maah-mah carbeed baa tiraahda EEYADU WAXAY RAAGSATAA INAY DHASHO MARKA AY DHASHANA WAXAY DHASHAA ILMAHEEDII OO AAN WAXBA ARKEYN intaasi ayaan ku soo koobayaa hadalkii komishanka
waxaanu si buuxda u taageersanahay mawqifka xisbigayaga KULMIYE ee ah inaan diiwaan-gelin la,aan aanay doorasho ku gelayn
waxaanu canbaaraynaynaa go,aanka komishanka iyo xukuumada ee is ka turjumaya


ama isu midka ah ee lagu saaray wakiilkii interpiece.
diiwaangelinta maanta waxay ahayd midhaha ugu qiimo badan ee soomaliland beertay una soo baxay


1-waxaa ku baxay 20,000,000 US $.
2-waxaa ka dhacay qaraxii foosha xumaa ee la inagu mijo xaabinayey
3-waxay ahayd sababta soo noq-noqtqy eedib u dhaca doorashada laguna qanacsanaa.
4-waxay ahayd dariiqa ugu sahlan ee loo marayo doorasho xalaala
nooma cuntamayso waxaasaa la garnwaayey ee waxaa khatar ku jira kuraasida jamac sweden iyo biikolo iyo rayaale waxaanay isu kaashadeen inay kuraasudaasi bad-baadiyaan hadii xitaa s/land lagu kala tagayo,waxaanu ku kalsoonahay alaha halgankii iyo halganadii ka danbeeyayba nagu guuleeyey
alaa mahad leh

 


Gudomiyaha Kulmiye ee Gobolka Gabiley

Xasan sh.muxumed warsame
tel;4660030