MADAXWEYNE RIYAALE OO MAANTA LAGU QAABILAY AQALKA LOOGA TALIYO DALKA FARANSIISKA. JAMHUURIYADDA SOMALILAND Warsaxaafadeed, Paris, France. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogg aaminayey ayaa maanta gudo galay hawlahoodii shaqo ee ay Dalka Fransiiska u joogeen, kaasi oo ay ku yimaadeen Dalkan Fransiiska booqasho rasmi ah, waxa maanta lagu qaabilay aqalka looga taliyo Dalka Fransiiska ee la yidhaahdo Elysee, halkaasi oo uu ku qaabilay la taliyaha Mad axweynaha Fransiiska ee Arrimaha Africa , Mudane , Andre Parant iyo saraakiil ka socotay aqa lka Madaxtooyada. Kullankaasi labadaa dhinac ay isaga waraysteen, arrimaha labada dal dhinacyadooda ; Siyaasa dda; dhaqaalaha iyo Nabadgelyada; taasi oo ay ku jirto arrimaha ka taagan, mandaqadda Gees ka Africa oo Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu tahay. Arrimahaaasi ay labada dhinac isla soo qaadeen falanqeyn dheer ka dib waxay ku soo gabaga boobeen jawi wanaagsan iyo is afgarad, Madaxweynaha waxa kullankaasi ku weheliyey, Wsiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wakiilka Somaliland ee Dalka Fransiiska, Mudane, Cali Ismaaciil Xassan iyo Mudane ; Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha :
|