MADAXWEYNE RIYAALE OO CASHO SHARAF U SAMEEYEY WAFTI KA SOCDA DALKA SWITZERLAND
 


Hargeysa (Timacade News)-Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay Casho Sharaf ugu Sameeyay Qasriga Madaxtooyadda Wefti ka socda Dalka Switzerland.

Waftigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo  ho gaaminaayo Danjiraha Dawlada Switzerland uga wakiila Dalka Suudan iyo wadamada  Ge eska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxay xalay is dhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhicayo badan taabanaaya, ku waas oo ay ka mid yihiin, sii xoojinta xidhiidhka labada Dal, Mashaaricda Horumarinta iyo halka ay marayaan arrimaha xaaladaha Siyaasadeed ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer waftiga warbiximo uga siiyay marxaladihii kala   d uwanaa ee geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland ay soo martay tan iyo intii  qar animadeeda ay kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Somali-republic.

Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xaga nabad gelyada waxa uu yid” Somalila nd waa wadanka kali ah ee Mandaqada Geeska Africa ee gacanta ku dhigay Argagixiso iyo Budhcad Badeed, maantana ay jeelasha ku xidhan yihiin ka dib markii lagu helay dam biyadii foosha xumaa ee ay Dalka ka galeen”.

Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan Caalamka intiisa kale ka helin wax taageero ah, ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu Carabka ku dhuftay in hada Somaliland ay u baahantahay  taa geerada Caalamiga ah gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyada oo aynu ka warqabno wakhtigan aynu ku jirno Dagaalada iyo nabad gelyo Xumida ka taagan Mandaqada.

Madaxweynuhu isagoo ka hadlaaya arimha Ictiraafka waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay wax alaale wixii looga baahnaa Dawlad Qaran ah oo la aqoonsanyahay, hase  yee shee uu Caalamku u hortaaganyahay arimo ku tacaluuqa dhinaca Siyaasadda.

Gaba gabadiina waxa uu madaxweynuhu waftiga u sheegay in uu ku rajo wayn yahay in Doorasho Xor ah oo xalaal ah ay Dalka ka qabsoomto sidii ku wiihore ee Dalka ka hacay.


Waxana uu sheegay in Gudida Komishanku ay iyagu u Madaxbanaan yihiin in ay ku  dha waaqaan wakhtiga Doorashadu ay qabsoomid doonaan.

Weftigaasi ka socda Dawlada Switzerland intii ay joogeen Dalka waxa kale oo kulama  ka la duwan ay la yeesheen Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adda kale oo Dalka ka hawl gala. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen Mashaariicda  Hor umarta ah ee Hay’adda swiss-croup ay ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan.

Marti qaadkaasi xalay Madaxweynuhu u sameeyay Weftigaas waxa kale oo goob joog k a ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane, Husein Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane,C/raxmaan Sagal iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibada Mudane, Ahmed Aaden Ismaaciil (Keyse)
 


ALAA MAHAD LEH
 


AF-hayeenka Madaxtooyadda
Siciid Cadaani Mooge