Rayaalle oo Xadhiga Ka jaray Warshad Casri
ah oo Samaynaysa Sharaabka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaalle Kaahin
ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha Warshad Cusub oo soo saari
doonta Noocyada Sharaabka iyo Cabitaanada Qabaw, oo laga dhisay Aw-Barkhadle
oo ka tirsan Deegaanka Hargeysa
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay , waxa ka
soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,
Wasiiro, Xildhibaano Guurtida iyo Wakiilada ah oo uu ka mid yahay
Xaaji Cabdi Waraabe, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Abwaan Gaariye,
Gudoomiyaha Aw-Barkhadle, Ganacsato iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Rayaale oo rasmi ah xadhiga uga jaray warshadan, waxa uu
ka waramay ahmiyadda ay xukuumadiisu siiso warshadaynta dalka iyo
dhiiri gelinta ay u fidiso ganacsatada hirgelinaysa warshadaha.
isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu Madaxweyne Rayaalle yidhi "Warshaduhu
waxay bedelayaan dhaqan ah in dadku wax wada yeesho oo uu Saamiyo ka
iibsado warshadaha kala duwan hantidoodana meelo badan kala gashado
halkuu meel kaliya ku bixin jiray, waxa dhici jirtay in qofku inta
uu meel kaliya lacagtiisa galiyo hadana uu markaba khasaar. Tani
waxay horseedaysaa inuu qofku mustaqbalka fog ku talo galo oo uu ku
xisaabtamo in shaqadiisu waligeedba noqoto mid sii socota.".
"waxaan leeyahay dhalinyarada ganacsatada iyo odayaasha ah ee halkan
fadhiya aad iyo aad baan idiinku amaanayaa".ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Khayraadka dabiiciga ah ee dalka
gaar ahaan Macdanta iyo Badroolka oo dhawaan xukuumadu sahamin ku
samaysay iyada oo kaashanaysa shirkad caalami
ah oo laga leeyahay wadanka Norway ay soo bandhigi doonaan natiijada
baadhitaankaasi bisha soo socota badhtankeeda, isaga oo rajo ka
muujiyay arrintaasi.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay
Gudoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Mudane Xaaji Cabdi
Waraabe, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ““Waxaaanu u mahadnaqaynaaa
Ilaahay , Ilaaha nagu simay inaynu warshado samaysano oo Awbarkhadle
ka dhigano oo Hargaysa ka dhigano oo Burco ka dhigano oo Gobalda
laga dhigo ,Ilaaha nabadgalyadaa na waafajiyay ayaanu uu mahad
naqaynaa , waxaa kaloo mahad leh xukuumadda ku dadaashay in gacmaha
la isqabsado oo ninkii wax keeni karayaaba wax keeno oo ninkii
waxqaban karayaba gacan qabanaysa ,xukuumadda Daahir Rayaale madaxda
ka yahay ayaaa mahad leh, waxaa mahad leh shacabka rag iyo dumar
ciroole iyo caruur nabadgalyada ku dadaalaya ee intaa la gugu
jinayee kolba meel laga soo galayee ee fidmada ilaalinayaa.
Wax dhici waayi maayaan, wixii dhacay inta aduunku dhisan yahay in
loo wada gurmado oo si cad wax looga qabtaaba loo baahan
yahay,aragaa anaga nagaga filan, waxaa loo baahan yahay bilays
kuligeen inaynu wada noqonaa nabad galyadaa waa lagu soo duulaan
dhexdeenaa rag walaaqayaa, dibadaa la inooga imanayaa, nabadgalyadaa
hadaynaan ku dadaaliin nimcadaasi way inaga
furfurmaysaa.Nabadgalyada ha la ilaaliyo ,xukumaddu waxay ku
dhisantahay shicibka ,shicibku aad buu u wanaagsan yahay laakiin
dadaal ha kordhiyo aqalada la kiraysanayo baabuurta la soo fuulayo
baabuurta fidnada wadaa intuu hawd ka yimaadaabuu Barbara inoo
dhafaa oo sidii wax waqooyi ka yimid iska dhigayaa wadada ha loo
feejignaado.Xisbiyada waxaa loo samaynayayaa qabyalaada in lagaga
baxaa hadii xisbiyadu qabyaalad ku dhaqaaqaan dee waxba wanaagsanaan
maayaan , xisbiyadu qabyaalad yay ku hadlin ,xisbiyadu cay yay ku
hadlin xisbiyadu yay fidno abuurine nabadgalyo ha abuuran.
Waxaa la yidhi haday qaylo baxdo
xagee loo caraaraa dee masaaajidka , dee masajidkiiba la isku
dilayaayoo waad arkaysaa masaajidkii aw barkhadle ee la isku dilay.
Xaaji Cabdi Waraabe isaga oo
hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Guurtidii waa inay nabad
galyadeedii ku ekaataa waxaan kaga baxayaa waar gobanimada aan wadaa
ilaashano cidii ma lahee maanta nimcaadasaynu haysanaa nin
madaxtinimo donayaa yuu wareer kicin doorashada hadii la kala helo
hala isku haneeyoo waar shacbigu ha ka fagaado nin kursi ku dirirya
oo agoomaha iyo naafada iyo dumarka iyo dadka jilicsan yaan laga
dadiin alabada yare e ay uruursaden waaa yomiye kayd wayn ma lihiin
macal banka kayd way malihiin yomiye weye way yomiyahaa ninka
dhabqinayaa ha laga wadaa ilaliyo ha loo soo wada jeedpo yaan cid
gooniya lagu halaayn ganacsatada warshadaha samaysaay wan uu mahad
naqaynaa ilaahow ay ka faidaan oo anaay ku khasaarin”.
Xaajigu waxa kale oo uu intaasi ku sii daray oo uu yidhi “Xukumadda
ku gacan qabatay ee uu hanaysayna waan uu mahad naqaynaa
madaxwaynaha soo boqday ee u fadhiyaa Daahir Rayaale Kaahin ee
Warshadii la furaba u taagan ee wanaaga u howshoonaya, nabadgelyada
u wareegaya Ilaahay waxaanu ka baryeynaa inuu ku nageeyo himiladiisa
mudada aanu cagaha dhigayno ku nagow insha alaah”.
Waxa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Dr Axmed Xuseen Ciise,
Gudoomiyaha Shirkadda Happy, Wasiirka Wershadaha Somaliland iyo
Gudoomiyaha Aw-Barkhadle.
Somalilandnation
|