Madaxweyne Rayaale oo
u Baqoolaya Sanaag iyo Duruufaha Qallafsan ee
Horyaal
Madaxweynaha Somaliland Md.
Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa in uu maalmaha soo
socda booqasho ugu kicitimo dhinaca gobollada Sanaag, Sool, Awdal
iyo deegaannada hoos yimaada.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada oo
xaqiijinaya maalinta madaxweynuhu socdaalkiisu u bilaabmi doono,
hasayeeshee sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo-wareedyo lagu
kalsoon yahay oo u dhodhow madaxtooyada iyo dhinaca Ceerigaabo, waxa
la filayaa in madaxweyne Rayaale socdaalkiisa ka bilaabi doono
magaalada Ceeriga abo, iyada oo halkaasna ay ka socoto
qabanqaabada soo dhawaynta weftiga madaxwaynaha.
Socdaalka madaxweynaha ee gobollada Sanaag, Sool iyo Awdal, ayaa la
sheegay in ay qayb ka yihiin safarkii uu ku soo maray Saaxil,
Togdheer iyo Oodweyne, kaasoo la sheegay in uu la xidhiidho kormeer
iyo qiimayn uu ku soo samaynayo xaaladaha iyo marxaladaha kala duwan
ee ay ku sugan yihiin dadweynaha ku nool gobolladaasi.
Socdaalka madaxweynuhu ugu baqoolayo Sanaag, ayaa waxa uu ku soo
beegmayaa iyada oo ay gobolkaasi ka jiraan duruufo qallafsan oo
saama yn xun ku yeeshay hab-nololeedka dhaqan dhaqaale iyo
siyaasadeed ee dadweynaha ku dhaqan socdaal ku tago gobollada Sanaag
iyo Sool, isla markaana aanay habayaraatee waxba ka fulin
balanqaadyo badan oo xukuumadda Rayaale u samaysan dadweynaha
deegaannadaas ku dhaq an.
Duruufaha qallafsanee madaxweynaha horyaal waxa ka mid ah
adeegya da bulshada oo aanay waxba ka jirin, haddii ay tahay
caafiimaadkii, wadd ooyinkii, biyihii iyo ilihii dhaqaalaha oo baaba’
ah, noloshooduna ku xidhan tahay gobolalda iyo magaalooyinka
Puntland, waxa kale oo jira lacagta la ga isticmaalo
Ceerigaabo oo ah giimbaartii Somaliya.
Waxa kale oo jira in deegaanno badan oo ka tirsan Sanaag oo aanay
hab ayaaraatee ka jirin maamulkii dawliga ahaa ee Somaliland, maamul
fidin wax ku ool ah oo dhawr jeer la ballanqaaday ayaanay iyadana
waxba ka hirgalin, waxayna bulshada deegaannadaasi ku doodaan in wax
gargaar ama taakulayn dhaqaale ah oo ka soo gaadha dhinaca dawladu
in aanu jirin, iyada oo marka olole soo dhawaado ee codka laga
doonayo oo qudh a ay arkaan siyaasiyiin iyo baabuur cadcad oo
isdaba yaacaysa.
Jamhuuriya Online
|