Madaxweyne Rayaale oo si aan hore loo arag ay dawlada Ingriisku ugu soo dhawaysay UK

 

Waxa goordhawayd soo gaadhay magaalada London ee xarunta boqortooyda dalka Britain,madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminaayay ee baryahanba maraayay ama booqashada ku joogay dalalka ugu waaweyn qaarada Yurub, sida Faransiiska iyo dalka Jarmalka oo uu madaxweynahu isla maantaba uu ka soo socdaalay ama kicitimay.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa maanta waxa si balaadhan maadaarka Heathrow Airport, ugu soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan xukumada dalka Ingriisa iyo madax iyo diblomaasiyiin reer Somaliland ah oo ay horkacayeen wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingriiska iyo wasiirka arimaha dibada oo isagu mudo todobaad ku dhawba ku sii sugnaa ama joogayba dalka Ingriiska una sii gogol xaadhaayay imaatinka waftiga madaxweynaha.

Hadaba soo dhawaynta uu maanta madaxweyne Rayaale uu kala kulmay xukumada dalka Ingriiska ayaa la odhan karaa waa soo dhawayntii ugu balaadhanayd ee uu abid ka helo dalka Ingriiska taasi oo ay maanta soo galbiyeen madax aad iyo aad u tiro badan oo British-ah iyaga oo ka soo dajiayay qaybta laga soo dajiyo madaxda caalmka ee booqashada ku timaada dalka Ingriiska iyada oo goobtaasi loo goglay ama dhigay qadiifada cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo la dajiyay Hotel, aad u balaadhan oo aan ka dheeraynba aqalka boqorada ayaa waxa ay dawlada Ingriisku siisay ilaalo aad u xoogan iyada oo madaarka ay kaga soo qaadeen ama galbiyeen baabuurta khaaska ah ee lagu soo qaado madaxweynayaasha booqashada ku yimaada dalkani Ingriisa madaxweynaha ayaa sidoo kale la siiyay baabuur iyo ilaalo u khaas ah oo uu isticmaali doono inta uu ku suganyahay dalka Ingriiska, kuwaasi oo u qaadi doona hadba goobaha uu kulamada kula leeyahay dawlada Ingriiska.

Saxaafda umay suurto galin in ay madaxweyanaha iyo waftigiisa madaarka wax ku waydiiyaan, sababta oo ah iyada oo aad loo adkeeyay amaankiisa isla markaasna laga soo dajiyay goob aan lo ogolayn in ay dadku ugu tagi karaan, taasi oo ay adag'tahay in aad gali kartid.

Hadaba soo dhawaynta caynkan ah ee uu maanta madaxweyne Rayaale kala kulmay wasaarada arimaha dibada ee dalka Ingriiska iyo guud ahaan xukumadaba waxa ay shicibka reer Somaliland u tahay guulo wax ku ool ah oo aad loogu diirsado, iyada oo ay booqashadi tahay tii sadexaad ee uu madaxweyanahu uu ku yimid dalka Ingriiska tan iyo intii uu xilka madaxweynanimo ka qabtay Somaliland, booqashadan maantuna waxa ay aad uga heer saraysay booqashooyinkii uu madaxweynahuu uu hore ugu yimid dalkani iyada oo taasi laga dareemaayo soo dhawaynta qaaliga ah ee uu maanta uu madaxweyne Rayaale iyo waftigiisuba ay la kulmeen
Wixii war ah ee ku saabsan waftiga madaxweynaha halkani ayaanu idiinku soo gudbin doonaa ee kala soco qarannews, hadii Ilaha awoodalehi uu ogolaado.
 

 


Source: Qarannews