Madaxweyne Rayaale oo Shirkadda Somcable siiyay Fulin ta Mashruuca Is-gaadhsiinta Badda Hoos Marta

 

Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Rayaale ayaa siiyay Shirkadda Somaliland Cable(Somcable) fulinta mashruuca isgaadhsiinta badda iyo berriga ee loo yaqaan “Cable Fiber Optic” Mada xweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Mulkiilaha Shirkadda Somcable ee  Isgaadh siinta badda iyo berriga ee Cable Fiber Optic Maxamed Aw Siciid ayaa la sheegay inay heshiis ka gaadheen Mashruuca Internetka iyo Telefoonada ee Badda hoosteeda la soo marinayo, oo beryahanba loolan ka taagnaa, taas oo ay Xukuumadda Somaliland laba jeer Ogolaansho Mashruucaas ah wada siisay laba Shirkadood oo midna ay ganacsato Somaliya iyo kuwa So maliland ahi wada leeyihiin, midna ay tahay Shirkadda imika la siiyay uu iska leeyahay  Ganac sade Maxamed Aw Siciid.


Sida ay sheegeen warar xogo-gaal ah oo arrintan u dhuun-daloola waxa uu Madaxweyne Rayaale shalay go’aansaday inuu Mashruucaasi siiyo Maxamed Aw Siciid maadaama markii hore isaga Ogolaansho loo siiyay inuu badda soo dhigo khadka Internetka, kaasi oo wax weyn ka tari doona Is-gaadhsiinta Somaliland oo ay duruufo badani ragaadiyeen, inkastoo ay Somaliland horumar weyn ka samaysay shinaca Isgaadhsiinta marka loo eego Dalal badan oo Afrika ah.

Sida ay sheegeen Warar aanu xalay Helnay oo lagu kalsoonyahay Madaxweyne Rayaale waxa uu go’aansaday inuu siiyo Mashruucan Maxamed Aw Siciid markii uu ogaaday inuu hore u haystay Ogolaansho iyo Liisan loogu Ogolaanayo inuu isagu Fuliyo Mashruucan.


Hadaba sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirkada Somcable , waxa  hirgelin ta mashruucan ku baxaya 35 Milayan oo dollar iyadoo ay shaqo ka heli doonaan ku dhawaad 10,000 qof oo reer somaliland ah oo haatan shaqo la’ kuwaas oo ay si dadban uga sii daba faa’iidi doonaan bulshada inteeda kale siiba dhalinyarada. waxa kale oo ka mid noqon doona faa’iidada uu mashruucani ku soo kordhin doono somaliland in hay’adaha dawliga ah ee  qaa bilsan arrimaha amniga, difaaca, bilayska iyo ilaalinta xuduudaha bada iyo barrigaba in ay heli doonaan isgaadhsiin ku filan oo ay iyagu si toos ah u maamushaan. sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee dalka degan, jaamacadaha, iskuulada, cusbitaalada iyo dhakhaatiirta ayaa dhamaantood ka faa’iidaysan doona mashruucan, iyadoo uu u dhib yareyn doono fursadna u siin doono inay caalamka kala xidhiidhaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cilmi baadhista iwm.


Madaxweyne Rayaale iyo Maxamed Aw Siciid oo ahaa Saaxiibo aad isugu dheer ayay  arrint ani kala dhex dhigtay kala fogaansho, waxaana hadheeyay khilaaf ba’an oo sababi gaadhay inay kala go’aan iyadoo wakhtigan ay dalka ka jiraan loolan Siyaasadeed oo taageero raadis ah, oo hadii ay sidaa ku kala tagi lahaayeen laga dhex faa’iidaysan lahaa balse talaabadan ayaa waxay muujinaysaa labada dhinacba inay jiho kaliya u wada dhaqaaqaan

 


Source:Waaheen