Madaxweyne Rayaale oo Shaaca ka Qaaday in aannu Madaxda Dalka Kuwait Kala Hadlin Aqoonsiga Somaliland

 

“Waxa ka horreeya aqoonsiga dhaqaalaha, aqoonsina waan raadinaynaa. Aqoonsigu waqti dheer ayuu qaadanayaa”


“Horta dalku sharci ayuu leeyahay, sharcigana waa la raaci doonaa, xisbiyo tartamayaana waxba kama heshiin karaan”


Shir-jaraa’id - Madaxweyne Rayaale

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaca ka qaaday in aannu  m adaxda dalka Kuwait kala hadlin qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, bals e nuxurka safarkiisu ku qotomay arrimo dhaqaale.


Md. Rayaale oo Axaddii ka soo degay Madaarka Berbera, ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay guriga martida ee magaalada Berbera wax yar intii aannu subaxnimadii hore ee shalay u baqoolin dhinaca caasimadda Hargeysa, waxa uu faahfaahin kaga bixiyey ujeeddada socdaal toddobaad qaatay oo uu ku tegay dalka Kuwait iyo natiijada uu kala soo hoyday iyo khilaafaadka siyaasiga ah ee waqtigan dalka ka aloosan.


Madaxweynuhu waxa uu socdaalkiisa ku tilmaamay kii saddexaad ee ugu muhiimsanaa safarradii uu hore dibadaha ugu baxay, isagoo xusay in uu madaxda dalka Kuwait kala soo hadlay sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen horumarinta adeegyada bulshada.


Hadal kooban oo Madaxweynuhu shirkaa jaraa’id ka jeediyey waxa uu ku yidhi; “Waa dalkii saddexaad ee caalamka. Waxaan la kulmay madaxdiisa, waxaan kala hadlayna wuxuu ahaa waxa ugu muhiinsan wixii dan u noqon lahaa ummadda ay naga caawiyaan sida dhismaha aasaasiga ah; xagga waddooyinka, waxyaalaha kale ee ummadda wax u tari kara sida biyaha, caafimaadka. Jawaab fiican ayey noo ballanqaadeen oo wax badan wax lagaga qaban karo. Run ahaantii jawaab fiican bay i siiyeen, waxaanay ballanqaadeen oo wixii caawimo ahna inoo soo marinayaan hay’adooda deeqaha qaabilsan ee Kuwait Fun oo mashaariicdii hore ee waddooyinkii la dhisay xillligii Soomaaliya qayb weyn ka bixisay.”


“Insha Allaah waxaan ku tashkiiliyey inay dalkan yimaaddaan oo  maalgas hadaan, maadaama yihiin dalka ugu ilbaxsan dunida, aniguna waxaan ku dhiirrigeliyey in ay dalka yimaaddaan maadaama Kuwait tahay dalka ugu ballaadhan wax maalgashada waddamada Carabta, meelo badan oo caalamka ay maalgashadeena way jiraan, fursaddaa aan helayna waxay ahayd fursad siciid ah, wax fiicanna waan kala kulmay, rag meesha inoo joogay oo ay qiimeynayeena way jireen, muqaabiladda la ii sameeyeyna waxay ahayd mid aanan hore uga baran, muqaabiladda la ii sameeyeyna waxay ahayd ahayd mid aan hore u dhicin oo aanan hore uga baran, wax aanan ugu faa’iideystay waxa innoogu muhiimsan oo ah waddooyinka, cusbitaal iyagu gacanta ku hayaan oo ay ka dhisayaan degmada Sheekh si uu u noqdo cusbitaal guud, kulankaasina waxa uu ahaa kulan taariikhi ah, waxaanan ka rajaynayaa inay si dhakhso ah u soo diraan dad ina  qii meeya, waxaan ka rabnaa iyagu markay yimaaddaan inay wax inoo  dhis aan sida waddooyin ilaa Wajaale, socodaalkayga nuxurkiisuna intaas ayuu ahaa,” ayuu yidhi Md. Rayaale.


Intaa kadib su’aalihii warfidiyeennadu weydiiyeen Madaxweynaha iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:


Su’aal: Madaxweyne xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Carabtu wuxuu ahaa mid xanniban, sideed u malaynaysaa in wax looga beddelayo?


Jawaab: Horta innagu run ahaantii albaab aynu iska xidhnay ma jiro, la akiin albaabkii inoo furmaba waa in aynu galnaa, safarkaygana fure ayuu u noqon doonaa.


Berigii aan tegay Imaaraadka Carabta waxaan la kulmay uun Sh. Xamda an oo isagana aad ogtihiin waxtarkiisa ee riigga biyaha inoo qoday, Bisha Cas ee dhawaan qalliinka indhaha fuliyey, iminkana wuxuu inoo soo  dira yaa kooxo wadnaha qala iyo kelyaha mishiinadii lagu sifaynayay oo ay Hargeysa keeneen, markaa waxaan u arkaa inay Carabtu ka waxtar badnaan doonto kuwa kale.


S: Madaxweyne, Somaliland baahida ugu weyn ee haysaa waa aqoonsi, arrintaas ma kala hadashay madaxda Kuwait ee aad la kulantay?


J: Horta aqoonsigu ha inoo dambeeyo, wax badan ayaa innooga  horree ya haddii aynu dhaqaale helno, maanta haddii dhulkeenna khayraad iyo shidaal ka soo baxo adigaaba laguu imanayaa, waxa ka horreeya  aqoo nsiga dhaqaalaha, aqoonsina waan raadinaynaa. Aqoonsigu waqti dheer ayuu qaadanayaa, waqti dheerna wuu innagu qaatay, waannu socon doonaa ilaa iyo inta aynu ka gaadhayno.


S: Rajo intee in le’eg ayaad ka qabtaa in doorashadu dhacayso waqtigii loogu talogalay?


J: Insha Allah 27-ka September inay dhacayso ayaan aaminsannahay.


S: Maadaama aanay saddexda xisbi isla meel dhigin khilaafka ku saabsan arrimaha doorashada maxay tahay sida wax loo fulinayaa?


J: Horta dalku sharci ayuu leeyahay, sharcigana waa la raaci doonaa, xis biyo tartamayaana waxba kama heshiin karaan.


S: Sideed u aragtaa labada xubood ee Komishanka ee aad Golaha Waki illada u gudbiseen si loo beddelo?


J: Horta anigu waxba uma gudbin ee Ku-xigeeynkayga ayaa gudbiyey, m arkaa waan eegi doonaa waxay u soo celiyeen, hadday sifo sharci tahay waa la sixi doonaa.




Jamhuuriya Online