Madaxweyne Rayaale Oo Mudo-Kordhin U Sii Xaadh-xaadhanaya

 

Madaxweyne Rayaale Oo Mudo-Kordhin U Sii Xaadh-xaadhanaya Gabalkeedu Dhacay Oo Xil-Gudasho La’aan Oo Ku Dhamaystay Mudadiisii
Waxaa dadweynaha Somaliland ka warsugayaan Golayaasha Sharcidejinta waqtiga………..taas oo si weyn ay ummadu uga warsugayso, Si loogu gudbo marxaladahan adag ee uu dalku markasta galaayo iyo dib dhacyadan doorashada madaxtooyada..

Xukuumada K/Meelgaadhka ah ee Madaxweyne Riyaale uu hogaamiyo oo loo kordhiyey Mudo 1Sano ah , heshiis ay hore u gadheen sadexda xisbi Qaran iyo komishanka doorashooyinku , oo golaha guurtiduna ay shaanbada ku dhufteen ayaa xilgudasho la,aan ku dhamaaday kuna eeg 6-da April ee 2009 isla markaana lagu hungoobay mudadii loo qayday inay ku qabsoonto doorashada madaxtooyadu 29 march 2009 .

Golaha guurtida oo ah ka sharcigu u ogolyahay mudo kordhin inay u sameyn karaan marka duruufo ay yimadaan oo doorashadu wakhtigeedii ay dhici weydo, xukuumadana uu wakhtigeedu ka dhamado , iyaga oo cuskanaya sababaha uu sharcigu tilmaamay oo keliya lakiin xaalada taagani ay markasta ahayd xilgudasho la,aan aan cidna ka qarsoonayn, oo sharcigu baneenay in lagu qaado xukuumadan k/meelgaadhka ah Maanta .

Waxaan jirin oo aanay dastuurka sina u waafaqsanayn doodan jilicsan ee ay Xukuumadu soo qaadato in Madaxweyne la soo doortay uu bedeli karo ,Madaxweynahan K/M/Gaadhka ah ee ay Maalmuhu u hadhsanyihiin, iyadoo Qodobka 86aad, faraqyadihiisa, 1, 2, 3 iyo 4 ay si cad u tilmaamayaan afar xaaladood oo uu madaxweynaha xilka uu kala wareegayo madaxweyne aan la soo doorani si ku-meelgaadh ah , oo uu ku waayayo xilgudasho la,aan aan qarsoonayn oo xukuumaduna ay ku jirto kuna qeexan qoddobkaasi, farqadiisa 1aad.

Waxaan maanta ogtahay Xukuumada jirtaa in aanay Golayaasha Sharcidejinta wax mudo-kordhin ka heli Karin,ayna jirin duruufihii suurtagalka ka dhigi lahaa in mudo kale la kordhiyo oo sharcigu banaynaayey, hore ee loogu sameeyey ay ka baaqsadeen inay doorashada ku qabtaan, Xukuumadana ay ku cadahay inay carqalad ku tahay Dooorasho ka dhacda dalka iyo dubu-dhaca doorashada oo markii labaad la marayo lana hubin tan danbe.

Sidaa darteedna ay waajib tahay in Xaaladan Adag ay Golayaasha Baarlamaanku go’aan ka qaataan, Oo waajibaadkooda distooriga ah u gutaan hab sharciya, dariiq kale oo furrani aanu jirin, oo aan ka ahayn in la adeegsado waxay u baahan tahay , oo labada gole ee sharci-dejintu isu yimaadaan , waayo marka ay dhamaato mudada -xilka xukuumada K/Meelgaadhka ah awoodii dawladnimadu waxay ku soo ururaysaa Golayaasha Sharci-dejinta, oo iyagu wakiil ka ah dadweynaha Somaliland.

Waxaad kaloo aad maqlaysaa doode kale oo jilicsan oo ah, in aanay Golayaashu Barlamaanka isu-imankarin , Fadhiyada wadajirka ee Labada Gole ee Barlamaan waa mid sharci ahaan jirta, oo ku cad Qodobka 38aad farqadiisa ugu danbeeya ee disteerkeena oo si cad u qeexaya fadhiyada wada-jirka ee ay 2da gole ee Barlamaanka yeelan karaan.

Xaalada Siyaasadeed ee taagan ayaa lagaga badbaadi karaa in distoorka xeerarka dalka u yaala shuruucda lagu dhaqmo loona hogaansamo, xalkeeduna u yaalo Goleyaasha Baarlamaanka, talaabada la qaadayaana ay tahay mid noqonaysa sharciyad qaranka lagu badbaadinaayo.
Iyadoo looga fadhiyo Golayaasha Sharcidejinta inay go’aan ka gaadhaan xukuumada Riyaale oo ay u hadhsantay mudo aad kooban oo todobaad iyo Badh ah, oo inagu soo noqnoqotay Khaladaad badan oo xukuumadu markasta can ku tahay oo kutumashada Sharciga dalka, oo ku timaada markasta xilgudasho la’aanta, oo haddii ay sii socoto halis galin karta Amniga Qaranka.

Golaha guurtidu oo Mudo 3goora oo hore xilka ugu kordhiyey xukuumadan jirta sababo xil-gudasho la,aan iyo dib u dhaca doorashada madaxtooyadu uu halkii sanad ka hor joognay aan ku soo noqonay, Guurtiduna ay maanta mudo kordhintii ay dhowr jeer u kordhiyeen Madaxweynuhu aanay ku salaysnayn waqtigaa shuruucda dalka wafaqsanayn, ayaa maanta looga fadhiyaa inay sumcadoodii soo ceshadaan oo si waayeelnimo ah ay xaalada u eegaan.

Waxaa dadweynaha Somaliland ka warsugayaa Golayaasha Sharcidejinta waqtiga dhow ee kaabiga inagu soo haya inay soo gebagebeeyaan gunaanadka xilka xukuumada K/M/Gaadha ah ee uu hogaamiyo madaxweyne Riyaale, oo ku eeg 6 April 2009, taas oo si weyn ay ummadu uga warsugayso, Si loogu gudbo marxaladahan adag ee uu dalku markasta galaayo iyo dib dhacyadan doorashada madaxtooyada..
 

 

 


Adan yusuf Elmi

Birminghma,UK