Madaxweyne Rayaale oo Garabadda KULMIYE ugu Baaqay inay Hoos u Heshiiyaan

 


Faransiiska in aannu wax kala iibsano waa daruuri, laakiin maalin qudha waxba laguma kala iibsado


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii u horreysay tilmaamay inuu ka xun yahay khilaafka soo kala dhexgalay masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, sidaasi darteedna waxa uu ugu baaqay inay heshiisaan, isla markaana hoos u dhammaystaan arrimahooda.


Madaxweynaha iyo wefdigii uu hoggaaminayay oo muddo socdaalka ku marayay dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa shalay gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xildhibaano, Wasiirro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha caleemo qoyan, iyaga oo dadku tubnaa Madaarka ilaa Madaxtooyada sacab ku soo dhaweeyay.


Madaxweynaha oo saxaafadda Qasriga Madaxtooyada kula hadlayey, ayaa ugu horeyn uga xogwarramay ujeeddada safarkiisa, waxaannu hadalkiisa ku bilaabay; “Safarkayagii ugu horreeyey waxaannu ku tagnay dalka Faransiiska, halkaas oo aan kula kulmay lataliyaha Madaxweynaha iyo madaxa u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Indian Ocean ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Senate-ka oo aannu ka wadahadalnay xaaladda mandaqada iyo sidii aannu qaddiyadda Somaliland uga dhaadhicn lahayn iyo sida Faransiisku gacan uga geysan karo horumarka aannu samaynay, waxaananu isleenahay wadahadalkaasi waxa uu ahaa mid midho dhal leh, horena xafiis ayaanu halkaa uga furanay markii ay dawladda Faransiisku noo oggolaatay. Markaa Faransiisku waxa uu ballanqaaday inay gacan ka geystaan sidii wax la inoo tari lahaa.


Jarmalka haddii aan ka warramo waxaan u imid caafimaad oo waqti hore ilka la iigu sameeyey, dhakhtarkii ayaan soo maray, taasina si fiican ayey iigu soo dhammaatay, taa markaan ka gudbo Ingiriiska ayaan hawl muhiim ah u tagay, oo waatan baddii cakiran ee budhcad-badeedku ku badatay, markaa caalamka dhibaatada ka jirta in maraakiibtii Soomaaliya lama tagi karo, oo marinkii la inoo soomarayey xidhmo, taasna hay’adaha ku shaqada leh waannu ka wadahadalnay in innaga [Somaliland] iyo Soomaaliyada kale laba la inoo kala arko. Waxa kale oo aannu ka kulanay kuwa caymiska kordhiya, natiijaduna waxay noqotay inay laba inoola kala macaamilaan.


Itoobiya shalay subaxii [dorraad] baannu soo gaadhnay, xalay baananu la kulanay Wasiiro-dawlaha Arrimaha Dibedda, waayo Ra’iisal-wasaarihii waxay ku maqnaayeen Qaramada Midoobay, iyagana waannu iska warraysanay xaaladda, laakiin waxa laga yaabaa in aan safar labaad ku noqdo.


Warbixintaa kadib su’aalihii lagu waydiiyey shirkaa jaraa’id Madaxweynaha, waxay u dhaceen sidan:


Su’aal: Dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisa kaalinta weyn ayey Somaliland ka qaataday, waxaanay ku darsatay tii budhcad-badeed oo qaar badan oo ay qabtay way xukuntay, haddaba waxay kala beddelataaye ee siyaasiyin dhaqaale ahaan iyo difaac ahaan maxaa faa’iido ah ee Somaliland ka soo galay?


Jawaab: Horta adduunka aynu ku nool nahay waxyaabo badan siyaabaha aynu u haysano uma jiraan, wax badan oo aynu innagu qabsano waxba la innnagu siin mayo, laakiin waa lagama maarmaan in aynu abuurno dano dadkaa innaga dhexeyn kara oo aynu wax wada qabsan, haddii aynu qaybteena budhcad-badeeda la dagaalanana waxay tahay waxyaabaha danaha inoo abuuraya, runtiin Faraans oo aan odhan karo way ugu geesisan yihiin oo iyagaaba budhcad-badeeda la dagaalamayna waxa innooga iman doono wufuud mustaqbalka, markaa danahaasi way socdaan oo marka laguu baahda ayaana la ogaanayaa.


S: Waxa jira warar soo noqnoqanaya oo ku saabsan in waqtiyadan dambe Wasaaradda Khaarajigu ay u badan tahay wasiirka oo kaliya, oo xafiisyadii wakiilladu aanay sidii hore ahayn, miyaad la dhacsan tahay iminka shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka?


J: Haa, Wasiirku waa ku filan yahay shaqadiisa baan aaminsanahay, baalyo weyn oo ka jirtaa ma jirto.


S: Intii aad maqnayd waxa la shaaciyey in Madaxweynaha Kenya uu martiqaad kuu fidiyey, ma tagaysaa, goormaad tagaysaa?


J: Markuu si ramsi ah iigu soo diro ayaan tagi doonaa, horenaba waannu u tagnay.


S: Madaxweyne waxa jira in safarada adiga iyo wasiirradaadu aad ugu jirtaan qaddiyadda ictiraaf-raadintu ay inta badan u badan yihiin waddamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika, kuwaas oo iyaguna qaddiyadeena u soo riixa dhinaca Midowga Afrika, markaa miyaan la odhan karin siyaasadii ictiraaf-raadintu waxay ku foof-daran habowsan tahay Yurub iyo Ameerika, oo haddii xagga Afrika xoogga saartaan midho dhal baa laga gaadhi lahaa?


J: Horta marka u horreysa Afrikana maanu dayacin ee ilaa bari iyo galbeedka Afrikaba anigaa socday oo albaabadeeda waannu garaacaynay, waxaanna laga yaabaa in Wasiirka Arrimaha Dibeddu tago dalka Afrika ka mid ah oo iminka ka hor dhici mayo, markaa innaga waxa la inna saaray in aynu albaabada garaacno Afrika, Yurub iyo Ameerika.


S: Madaxweyne waxa jirta hawlgallo uu Faransiisku ku qaaday budhcad badeeda inuu adeegsaday Dekedda Berbera, markaa waxaynu dhaafsiisanay ee faa’ido dalka u ah hawlgallada uu Faransiisku ciideena ka fuliyey?


J: Faransiiska in aannu wax kala iibsano waa daruuri, laakiin maalin qudha waxba laguma kala iibsado, haddaad maalin iyo laba aad adigu gacan geysato way iska iman doonaan, markaa waxaan leeyahay yeynaan degdegin.


S: Saxaafaddu waxay warisay in soo noqodkaaga aad ka degi doonto magaalada Burco, dad badanina waxa laga yaabaa inay kaa sugayeen, maxaa ka jira arrintaa?


J: Horta warkaa waxaan u malaynayaa keenii yaraa ee aynu ku dari jirnay, laakiin Burco maalin baan ka degi doonaa oo waa magaalooyinkii dalka.


S: Waxaad tahay Madaxweynihii dalka, gaar ahaana Guddoomiyihii xisbiga UDUB, waxa jira khilaaf soo kala dhexgalay xisbiga loollanka aad ku wada jirtaan ee KULMIYE, markaa siyaasad ahaan sideed u aragtaa?


J: Anigu waxaan kula talin lahaa xisbi kastaa sharci buu leeyahay, ee inay waxooga hoos u dhammaystaan, inay is khilaafaana waan ka xumahay oo waxaan jeclahay inay heshiiyaan.




 



Jamhuuriya Online