Madaxweyne Rayaale Oo Dhirbaaxo Siyaa sadeed Ku Dhuftay Wasiirkiisa Warfaafinta

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhirbaaxo siyaasadeed ku dhuftay wasiirkiisa warfaafinta Mudane Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ka dib markii amar uu bixiyay lagu joojiyay hawl ugaadhsi oo ay kooxo Qatariyiin ahi ka waddeen Somaliland, kuwaas oo la sheegay in wasiirka warfaafintu wadanka ku soo casuumay.

Kooxahaas Qatariyiinta ah, oo toddobaadkii hore dalka yimid, waxa la sheegay inuu wadanka Qatar ka soo horkacay wasiir Axmed Xaaji Daahir oo muddooyinkii u dambeeyay hawlo gaar ah halkaas u joogay, waxaanay dalka ku soo galleen dal ku gal uu wasiirku u fududeeyay.

Raggaas Qatariyiinta ah oo tiradooda lagu sheegay tobaneeyo xubnood, waxa markii ay dalka yimaadeen ay xeebaha waqooyiga Hargeysa ka bilaabeen ugaadhsi ay ku urursanayeen duurjoogta. Hase yeeshe markii ay si rasmi ah hawshii ay u socdeen u gudo galleen, ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, uu amar ku bixiyay in laga joojiyo ugaadhsiga ay ku dhex jiraan, waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu amarkiisa u tixraacay digreeto la sheegay inuu hore ugu mamnuucay ugaadhsiga duurjoogta dalka. Raggaas Qatariyiinta ah ayaa la sheegay inay kooxo Boolis ahi ka soo kaxeeyeen deegaanadii waqooyiga ee ay hawsha ugaadhsiga ah ka wadeen. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir, ayaa la sheegay inuu ku guul daraystay dedaal uu u galay in raggaas dib loogu fasaxo hawsha ugaadhsiga ah ee ay dalka u yimaadeen. Dad badan ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku bogaadiyay tallaabada uu ku joojiyay urursiga khayraadka keliya ah ee uu dalku leeyahay ee sida fudud loogu casuumayo shakhsiyaadka shisheeyaha ah ee sida arxan darada ah u ugaadhsanaya nooc kasta oo ka mid ah duur joogta Somaliland. Sidaas oo ay tahay tallaabada uu Madaxweyne Rayaale qaaday ayaa waxa ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay wasiirka sida fudud ee deg deg ah ugaadha wadanka ugu soo casuumay Qatariyiinta uu ku qancin kari waayay inuu wadankooda ku galo baasaaboorka Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, qof kasta oo masuul ah, waxa la gudboon inaanu masuuliyadiisa iyo xilka qaranka loogu dhiibay uga faa'iidaysan dano gaar ah, balse uu ugu shaqeeyo qaranka iyo umadda inteeda badani wada danyarta tahay ee uu xilka u hayo.
 

 


www.geeska.net