Madaxweyne Rayaale Oo
Amiir Kuweyti Ah Iyo Ganac sato Reer Saaxil Ah Ku Wareejiyay
Maalgashiga Warshada Sibidhka Ee Berbera

Madaxweyne
Rayaale Oo Amiir Kuweyti Ah Iyo Ganacsato Reer Saaxil Ah Ku Ware
ejiyay Maalgashiga Warshada Sibidhka Ee Berbera, Isla Maantana La
Filayo Inuu U Kicitimo Dalka Kuweyt
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu
qalinka ku duugay in ay maal Gashadaan Warshada Sibidhka ee Berbera
amiir u dhashay dalka Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka
gobolka Saaxil.
Heshiiskan maalgashiga wershada sibidhka ee Berbera oo la sheegay in
shalay galin kii dambe uu Madaxweyne Rayaale Qalinka ku duugay ayaa
waxa uu tibaaxayaa inay maalgashiga warshada uu si isleeg u siiyey
amiir reer Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka Saaxil,
kadib markii qorshe ay ganacsato reer Somaliland ahi ay ku doonayeen
inay wada jir u maalgashadaan wershadii hore ee sibidhka Berb
era uu Rayaale ka diiday, isla markaana uu Amiirkan reer Kuwaiti
siiyey 50% (Boqo lkiiba Konton), taas oo ganacsatada intii
badnayd ay diideen marka laga reebo gan acsato reer Saaxil ah
oo iyagu 50%-ka soo hadhay shuraako ku ah.
Dhinaca kale Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw
madaxtooyadu Madaxweyne Rayaale ayaa maanta la filayaa in uu u
baqoolo dhinaca dalka Kuwaiti, halkaas oo uu amiirka reer Kuwaiti ee
la siiyey maalgashiga Wershada sibidhka uu diyaarad khaas ah u soo
diri doono.
Ma jiraan war rasmi ah oo ku saabsan heshiiskan iyo tegitaanka
Rayaale ee Kuwaiti oo ka soo baxay dhinaca xukuuumadda, hasa yeeshee
afhayeenka Madaxweynaha Siciid Cadaani oo aanu xalay wax ka
weydiinay tegitaanka Madaxweynaha ee dalka Kuwaiti ayaa isagu diiday
in uu ka hadlo, balse sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ahi Madaxweyne
Rayaale ayaa waxa uu u tagayaa dalka Kuwaiti marti-qaad la
shee gay inuu ka helay Amiirkaa Reer Kuwaiti ee maalgashiga ku
samaynaya warshada sibidhka ee Berbera, inkastoo aanay ilaha warkani
laga soo xigtay tibaaxin waxa loogu yeedhay Madaxweyne Rayaale,
balse waxa la filayaa inay la xidhiidho uun heshiisyo Koote loogu
xidho Tujaar reer Kuwaiti ah khayraadka dalka inay ka faa’iidaystaan.
Maaha markii Koowaad ee Rayaale uu maalqabeen carbeed uu u xidho
khayraadka dabiiciga ah ee dalka, balse waxa jirtay in ganacsade la
yidhaa Al-jaabiri oo Sucuudi ah uu Koote ugu xidhay dhoofka Xoolaha
Somaliland, kaas oo muddo Dhawr sanadood ah Kelidii ka ganacsanayey
xoolaha ka dhofa dekada Berbera.
Amiirkan oo uu dhalay Boqorka Dalka Kuwaiti, kaas oo magaciisa la
yidhaa Amiir Xamdi Al-sabaax ayaa sanadkii 2000 dhul ka iibsaday
magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil, halkaas oo ay boqortooyada
Kuwaiti ka dhisanayso Qasri iyo beer ay xiliyada fasaxyada ku
raaxaystaan.
Wiilkan uu dhalay boqorka Kuwaiti ayaa sanadkan horaantiisii
booqasho ku yimid Somaliland, xiligaas oo la filayo inay ku dhalatay
maalgashiga warshada sibidhka ee Berbera oo hore Rayaale u sheegay
inay maalgalinayaan shirkado Germany ah, balse markii ay beenawday
maalgashiga shirkadaha Jarmalka ahi ay ganacsato isku tagtay oo reer
Somaliland ahi ay u qorsheeyeen inay iyagu maalgashadaan, kuwaas oo
ilo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen inay iska ururiyeen ku dhawaad
lacag dhan 30 Milayn oo doolar oo ay ugu talo galeen inay ku
dhaqaajiyaan maalgelinta Warshada sibidhka ee Berbera, balse uu
Madaxweyne Rayaale ka Warwareegay inuu u saxeexo heshiiska ay ku
doonayeen inay ku maalgashadaan Warshada Sibidhka Berbera.
Dalka Kuwaiti oo ka mid ah wadamada khaliijka Carabta ee saliida
hodan ka ku ah ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn u
taageera qadiyada midnimada Somalia, isla markaana waxa uu ka mid
yahay dalka Kuwaiti dalalka lacagta ugu badan ku bixiya shirarka
Dawladaha dibada loogu qabto somaliada.
Haatuf
|