Madaxweyne rayaale iyo gudoomiye axmed siilaanyo oo maanta kulan yeeshay

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Madaxweynaha JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB iyo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta gelinkii hore kulan gaar ah oo aan hore loo shaacin ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha J. Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB iyo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa maanta gelinkii hore kulan gaar ah, oo aan hore loo shaacin ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Magaalada  Harge ysa.

Kulankan dhex maray Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiye Axmed Siilaanyo oo aan loo ogalayn saxaafada ayaa la sheegay in ay kaga wada hadleen arrintan Komishanka doorashooyinka ee weli taagan iyo sidii loo dhamaystiri lahaa  xub naha la filayo in ay bedelaan komishankii doorashooyinka ee dhawaan  is  casil ay.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka labada mas'uul yeesheen, ayaa hadana warar ka agdhow oo lagu kalsoon yahay waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo  Gudoom iyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo ay ka wada hadleen xubintii xisbiga Kulmiye u soo xulay in ay ka mid noqoto komishanka doorashooyinka qaranka, xubintaas oo ah Haweenay lagu magacaabo Ilhaan Maxamed Jaamac oo dhawaan madaxweyne Rayaale dib ugu celiyay xisbigaas ka dib markii uu celinteeda u cuskaday in ay ka mid tahay guddida fulinta ee xisbigaas isla markaana aanay ka mid noqon karin komishanka doorashooyinka.

Waxaanu warku intaasi ku daray in Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed  Siila anyo uu madaxweynaha kala hadlay sidii uu xubintaasi isu dhaafin lahaa.  Wax aanu sida la sheegay madaxweynaha hortiisa Gudoomiyaha Kulmiye ka  cadeey ay in aanay Haweenaydaas xisbiga Kulmiye ka mid ahayn wakhtigan.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u sheegay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye inuu ka war sugo inta uu arrintaas ka soo baaraan degayo.


Ma jiro war rasmi ah oo labada mas'uul ka soo saareen Kulankaas iyo  waxyaa baha ay dhab ahaan kaga hadleen. Basle Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo  mar kii uu kulankaas ka soo baxay aanu waxa ka waydiinay waxyaabihii ay kaga wada-hadleen kulankaas Madaxweynaha Maanta madaxtooyada ku dhex-maray, ayaa ka gaabsaday oo ku jawaabay, “Maanta diyaar uma ihi inaan war idin siiyo raali ahaad.” ayuu si kooban u yidhi Axmed Siilaanyo.


Source; OodweyneNews