Madaxweyne
Obama oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda

Madaxweyne Barack Hussein Obama ayaa ku guulaystay Abaalmarinta
Nabadda ee sanadka taasoo laga bixiyo dalka Norway
Washigton DC- (Longlivesomaliland News)-Madaxweyne Obama ayaa
Aba almarintan loogu aqoonsaday daddaalkiisa iyo sida fir-fircoonidu
ay ku jir to ee uu ugu howlan yahay xoojinta dublamaasiyada
caalamiga ah iyo isk aashiga u dhaxeeya bulshada caalamka.
Siinta Jaa’izadan ayaa timid sagaal bilood kadib markii Madaxweyne
Oba ma uu xilka Madaxweynenimada Mareykanka qabtay.
Madaxwaynaha oo ah, wiil uu dhalay aabe muhaajir ah oo Africa ka
yimid iyo hooyo Maraykan ah ayaa aad can uga ah caalamka, si uusan
uga ah ayn madaxwaynihii uu badalay ee George Bush. Obama ayaa
aad loogu xiriiraya dalka Indonisya, oo uu ku soo qaatay kala badh
ciyaalnimadiisii, halkaasi oo uu hooyadiis iyo nin qabay uu kula
noolaa magaalada Jakarta.
Dad badan oo ku nool qaarada Asia ayaa filayay in Jaa’izaddan ay
heli do onaan dad ka soo jeeda Shiinaha, oo iyagu xusayey 20
guuradii ka soo wa reegatay mudaharaadyadii dimuqraadiyada ee
ardayda ay dhigeen, kuwa asoo ay isku dhaceen ciidamadii xukuumadda
Shiinaha sanadkii 1989-kii.
Dhinaca kale aragtida hogaamiyayaasha iyo dadka caadiga ah ee dunida
carabtu ayaa si weyn u soo dhaweeyey Abaalmarinta nabadda ee
Mada xwayne Obama ku guulaystay sanadkan.
Madaxwayne Barack Obama waa madaxwaynihii ugu horeeyey ee African-ka
madow ka soo jeeda oo isagu qabta jagada madaxwaynenimada dalkan
Maraykanka. Waana madaxwaynihii afraad ee Maraykan ah oo ku
guulaysta Abaalmarintan.
Source:voa
|