MADAXWEYNE NABADU GACANTAADEY KUJIRTA... e cid kale ha eersan haddii ay faraha ka baxdo





Runtii nabadu wa shey qaaliya oo u aadamuhu u baahan yahay, waatu ilaahey ina waafajiyay e aynu halkan kuso gaadhney 20 ka sano kuna sow caano iyo nabad ba maalney maaha shey lagu ciyaari karo o dhalay lo burbuurin karo, nabad la'aan wa nolol la'aan...

Waxase mudan in la isweydiiyo maxa nabada dhaawici kara maanta aynu ku naalooneyno e aynu ku badhaadhney, waxa dhaawici kara o aadamuhu ogoleyn dhawr qodob o muhiim ah..

NABADA waxa ka horeya o lo baahan yahay in la helo ama lagu dhaqmo 1. CADAALAD 2. SHARCIGA O LA DHAWRO 3. SHURUUCDA O LAGU DHAQMO, sadexdaasi qodob ba ka horeya nabada ilaalinteeda, haddiise la waayo dhawrka qodob nabadu fara wey ka bixi karta waaney adagtahay sida loo so celin kara haddii ay fakato, maantana waxad ogtihiin inu cadaw badani inoo so mici lisaneyo..


http://www.youtube.com/watch?v=HNhffEAV_i

Waxa ina deeqa wa cadaalad - Nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxa ka mas'uul ah mas'uulka kursiga u sareya ku fadhiya habdhaqankiisa e midida daabkeeda ahey. isaga xumeyn kara wanaajin karan, runtii maanta maamulkan jira yaanu cidkale eersan an isaga an aheyn haddii nabadgalyadu faraha ka baxdo, haddii awood iyo wax isbada marinin timaado waxa hubaal ah in nabadgalyadii la dhaawacay o waxwalba dhici karan ilaahey ka sokow nabadu waxay gacantood ku jirta maamulka Siilaanyo oo ku dhaqma shuruucda dalka u yaala iyo cadaalad umaddu u siman tahay... Raga cadaalad waayay sidii cawasha kala yaace..

Maamulka Siilaanayo waxanu leeyahay cadaaladii ad dooneysa shalay baanu dooneyna, shuruucdii ad laheyd ha lagu dhaqmo ayaanu leenahay ha lagu dhaqmo, intaaso ad ilaaliso ayey nabada somaliland ku jirta madaxweyne..

 

 


Guul iyo nabad baan u rajeynaya JSLAND

Omar Darood Hassan

Gudoomiyaha xisbiga ucid ee NORDIC