Madaxweyne markaad booqasho u baxeyso inaga daa
rakaab xumada
Waxan halkan salan iyo bogaadi u dirayaa dhamaan saxaafadda iyo
warbaahinta JSLand ku abtirsata ee fariimaha iyo wararka dalkii naga
haqab tirta
Runtii may aheyn in laga dhigay jarnjaradii goobtii salan sharafta
lagu soo dhaweyney madaxweynaha jarnjarada goobtaasi isku dul
taagayo madaxweyniheenu, haddaba waxay su'aashu tahay ma ula kasb uu
madaxweynuhu isugu taagey jarjarada lagu xardhey calanka soomaliland
ee tawoxiidkuna ku dhign eyay ah mise waa farsamo xuno ka timid
maamulka Berbera oo aney ka fiirsan jarnjarada iyo sawirka ku
xardhan? Su'aasi haddii an isku dayo inaan ka jawaabo waxay ila
tahay in anu madaxweynuhu ukas ama utalaga uu arintaasi u sameyay
aney jirin, ma filayo inuu madaxweynuhu sidaa ad u dhigeysan u
arkeyay jarnjaradaasi u ku dul istaagay, waxan leeyaha ashkhaasta
waxa qoreysa maaha in aad mada xweynaha u aragtan inoo si ula kac ah
cagah u saarey jarnjaradaasi.
Waxse runtii danbigaasi iyo maamul xumadaasi meesha ka dhacday dusha
ka saaran tahay maamulka magaalada Berbera ee madaxweynuhu martida u
ahaa ee jarnjarada hoos dhigtay astaanta qaranku ku xadhantahay iyo
waliba tawoxiidkii, iyaga ayey aheyd in ay ka fiirsadaan gogosha
lagusoo dhaweyn ayaa madaxweynaha sida ay noqoneyso, taasi waa mid
anu danbigeeda la heyn madaxweynuhu ee wa xa mas'uuliyaddeeda
qaadaya maamul xumada madaxda gobolka saaxiil ee magaalada Berbera.
Haddii an u soo daadago dhaliilo badan oo ka dhashey socdaalkii
madaxweynuhu kumaraya khaliijka car abta oo runtii sameyn weyn kuleh
qarannimada JSLand,
Madaxweynuhu waa inuu ka fiirsada marka u doonayo inuu wadan
booqasho ku tago ama lagu marti qa ado rakaabka u kaxeysanayaan kuwa
ay yihiin, waa inuu siyaasiyin miisan weyn ama aqoon badan u l eh
dalkaasi booqashada loogu tagayo khibrad siyaasadeed u leh, at least
waa in ay ahaadan qaar ka hodana luqada carabiga oo si fiican ugu
hadali kara luqad carabiga, maaha inuu nin shaqaale ka ah dalk aasi
oo dhalasho ahaan ka soo jeeda JSLand loo igmado inuu turjuman u
noqdo waftiga madaxweynaha iyo rakaabka la socda, wuxu madaxweyihiin
faashiishka ah ee Siyaad Bare isticmaali jiray dhawrkii sana dood ee
u xukunka boobay marka u doonayo inuu carabaha booqasho ugu tago
wasiiro shuyuukhda ca rabta af yaqaana oo siyaasiyiin miisan weyn
kule dawlaka carabta sida wasiirkii kharajiga ee JSomaliye
<mudane Cumar Carte Qaalib iwm,ma
filayo inuu madaxweyne Siilanayo wasiiradiisa
ka dhex waayaya ama maamulkiisa ragg luqada carabiga ku fiican oo an
loo turjumi karin.
Waxan leeyahay madaxweyne dalkaasto ad booqaneyso raggeeda xulo oo
rakaab xumada inaga daa w aa ceeb in la yidhaahdo waftigii
waxa u turjumaya nin somalilander ah oo
an ka tirsaneyn waftiga mad axweynaha.
Waxa kaloon aad an ugu diirsaday oo runtii amaan mudan
wasiirka duulista iyo hawad mudane
Maxamo ud Xashi, oo guulo wax ku ool ah
ka soo hooyay shararkii Nairoobi.
Waxan leeyahay dawladu waa in ay horumarka iyo mashaariicda
gaadhsiisa lixda gobolba si cadaalada ah, waa in
hadhuubka caana lawada wadaaga oo an
gobol iyo dagmo gaara ah loo xidhin. dawlado waa in ay ka fiirsata
mashaaricda loo xidhayo sharakadaha gaar ka loo leeyaha, sharkaduhu
waa in ay mas haariicda dawlada u sinaanda oo contragyada si
cadaalad ah loo soo codsadaa oo nidaama iyo waxqab adkooda loo
qiimeya halka laga eegeyo xisbigu taageero
iyo reerka u yahay iyo
gobolka u ka soo jeed o,
Waxan aad u soo dhaweynayaa guulihii iyo soo dhaweyntii sharafta iyo
karaamada la heyd ee lagu soo dhaweyay madaxweynaha JSL iyo waftigii
u hogaamineyay, runtii waa guul dhamaan inoo soo hoyatey oo an la
ilaabi kareyn.
Wa bilaahi tawfiq
Omar Darood Hassan
Norway |
|