Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Oo Qado sharaf U sam eeyey Saaxiibadiisii ay yaraantii isuku fasalka ahaayeen
 

 


Munaasibadan Qado Sharafta ah oo ka dhacdey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa Kasoo Qeyb galey,...............


Hargeysa (TNN):- Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), ayaa munaasibad Qado sharaf ah usameeyey Saaxiibadiisii dureed ee ay isku fasalka ahaayeen Bilowgii Waxbarashadiisa ilaa bilowgii Waxbarashada Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa(Technical-instute) ee kuyaaley Magaalada Hargeysa.


Munaasibadan Qado Sharafta ah oo ka dhacdey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa Kasoo Qeyb galey Saaxiibo badan oo kamid ah Saaxiibad ay Isku fasalka ahaayeen Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), waxaana halkaasi ka dhacdey Munaasibad aad, Qurux badan oo dib usoo Celisey Xusuusta Sanadihii Waxbarashada Madexweyne Kuxigeenka Somaliland ee Fasaladii khatinka Aqoonta Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa, oo ay qaarkood isugu dambeysey Wakhti aad u fog, waxaana salaan isku bood kal iyo laab ah isku qaabiley, Martisharafta Munaasibadan lagu Casuumey oo ay ku badnaayeen Saaxiibo kala raagey oo ay wakhti hore isugu dambeysey, oo ka kala yimid Magaalooyinka dalka iyo Dalka Dibadiisaba.


Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), oo hadal kooban ku furey Munaasibadan Qado sharafta ah ee uu ku Maamuusey Saaxiibadiisii Dureed ee ay (Classmite)ka ahaayeen isagoo sheegay in Nolosha Aadumuhu u baahan tahey in Xasuusta dib loogu Celiyo xiligiisii fiicnaa ee uu ku guda jirey Aqoonta Waxbarashada iyo muhiimada ay leedahay Aragtida Saaxiibadiisii ay isku fasalka ahaayeen oo ay soo wada qaateen Waayo ugu fiican wakhtiga Noloshooda Waxaanu Sigaar ah Tilmaan uga Bixiyay in Xusuusta Barisaamdku nafta dawo uga tahey Xiliga Xun iyo qabyaalada Mushkilada ku noqdey Bulshada intaba Islamarkaana, aad Xasuusaneyso Waa Cusub iyo bari Caafimaad qab ah oo Dhulku Barwaaqo iyo Sareedo ahaa.

Waa Munaasibadii ugu Horeysey ee Nooceeda ah oo mid kamid ah Madxada ugu Sareysa dalka Somaliland uu ku qaabilo Saaxiibadiisii ay isku fasalka ahaayeen Wakhti kusiman mudo imika laga joogo sodon sano iyo dheeraad maadaama ay gabagabeeyeen Waxbarashada Sanadkii 1979kii Waxaana Munaasibadaasi lagu Soo gabagabeeyay Jawi Aad u Wanaagsan, oo farxad iyo Qalbi furnaani ka muuqato.

Waxaana looga Duceeyay Munaasibada Maamuuska Qado sharafeedka ee Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici) ku martiqaadey Ardeydii ay Isku Fasalka ahaan Jireen Xiligii Ardeynimadii.

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somalilad