Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin ka tirsan Madaxtoo y ada iyo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda oo Xadhiga ka Jaray Dhismayaal Cusub oo lagu Kordhiyay Madaarka Hargeysa, Kormeerna ku soo maray qaybaha uu ka koobanyahay Airport-ku.


 


Hargeysa(TNN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin ka tirsan Aqalka Madaxtooyada iyo Golaha Wasiir ada ee Xukuumadda ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub oo muddadii Xukuumadda Siilaanyo talada ay  h aysa lagu kordhiyay Madaarka Caalamig ah ee Cigaal International Airport, isla markaana Kormeer ku soo maray  qayb aha kala duwan ee Madaarka, gaar ahaan Dhismayaasha kala duwan ee Xafiisyada Madaarka iyo Jidka ay Diyaaraduhu ka hadaan Madaarkaasi.

kormeerkaasi iyo Xadhig ka jarista Dhismayaashan Cusub ee lagu daray Xafiisyada Madaarka waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku whelinayay Wasaarada Duulista iyo Hawada, Qorshaynta Qaranka, Marwada koowaad ee madaxweynaha, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Maareeyaha Samafalka ee Madaxtooyada, Chief of Cabinet-ka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiil ka tirsan Qasriga Madaxtooyada oo uu ka mid yahay Afhayeenka Madaxtooyadu,waxaana intii uu Madaxweyne ku-xigeenku Kormeerkiisa ku gudo jiray la soo wada  maray ay dhamaan qaybaha kala duwan ee dhismayaasha Madaarku ka koobanyihiin, gaar ahaan Terminaalada laga soo dego iyo kuwa laga dhoofaba,iyada oo uu halkaasi warbixin la xidhiidha hawlaha Madaarka ay ku siinayeen Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo qaar ka mid ah Hawl wadeenada kala duwan ee Madaarkaasi ka hawl-galaa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo markii mid mid loo soo tusay Dhismayaasha lagu kordhiyay Madaarka iyo qaabka uu hada yahay muuqaalka Madaarku ka hadlay Xaflad kooban oo lagu qabtay mid ka mid ah Dhismayaasha Cusub ee xadhiga laga jaray ayaa sheegay in uu si weyn ula dhacsanyahay sida loo qurxiyay Madaarka, isla markaana ku booriyay madaxda kale ee dawlada inay muujiyaan wax qabad iyo Dedaal ay ku muujinayaan Isbedelkii Xukuumadda lagu soo doortay,isaga oo xusay in wax badan laga qabtay Baylahdii ka jirtay Airporta dalka ugu weyn ee Hargeysa oo uu tilmaamay inaan la moodin hada madaarkii Hargeysa ku yaalay,balse lagala mid dhigi karo Madaarka Dubai oo kale ” waxaan moodayay markii aan Madaarka soo galay inaan joogo Madaarkii Dubai, waayo dhawr bilood ka hor sidan muu ahayn,madaarkuna waa meesha lagu soo dhaweeyo dadka ee ugu horaysa, waxaana loo baahanyahay qofku maarka uu dalka yimaado in la soo dhaweeyo oo lagu marxabaysiiyo meel qurux badan oo indhaha soo jiidanaysa,cid kasta oo Masuul qaran ahna waxa looga baahanyahay inuu Isbedel keeno” ,ayuu yidhi Madaxweynaha ku-xigeenku.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Xaalada Madaarka iyo Dhismayaashan Cusub ee lagu kordhiyay, waxaanu sheegay in Dhismayaashan Cusub ee maanta xadhiga laga jaray ay hordhac u yihiin isbedelkii Xukuumadda laga filayay,kaasoo Wasaaradda Duulista Hawadu si ay u daboosho kaalintii ay ku lahayd Isbedelkaasi wax ka qabatay Baahiyihii ka jiray Madaarada dalka,gaar ahaan kan Hargeysa.

Wasiirka Duulista Hawada waxa kale oo uu sheegay in aanu Dedaalkoodu ku koobnayn oo kaliya Dhismayaal la kordhi yo, balse uu doonayo in uu wax badan ka bedelo Maamulka Madaarada dalka iyo qaabkii hore loogaga shaqayn  jira y,kuwaasoo sida uu sheegay uu ku bedelayo nidaam Cusub iyo Maamul wanaag si loo gaadho yoolka ay Wasaaradiisu ka leedahay tayaynta Madaarada Dalka oo uu ku tilmaamay Isha ugu horaysa ee Dadka dalka yimaadaa ka dheehan karaan horumarka iyo Xilkasnimada dawlada dalka ka jirta,waxaanu yidhi “ Dhismaha oo kaliya Maaha waxa aanu Isha ku hayno inaanu wax ka bedelno, waxa weeye habkii Maamulka oo dhan ayaanu doonaynaa inaanu bedelno oo Maamul wanaag ku bedelno”.

Maxamuud Xaashi waxa uu shaaca ka qaaday in Dakhligii Madaarku kor u kacay mudadii uu Wasaarada joogay,ka dib markii ay soo rogeen lacag fara badan oo dadka iyo alaabta ay sitaan laga qaado,taasoo keentay in Dakhligii ka soo bixi jiray Madaarada Wakhtigan oo kale uu laban laamo,taasina ay Wasaarada Maaliyadu uga Markhaati tahay ” waxyaabaha kale ee aanu kordhinay waxa ka mid ah ee Dakhliga dawlada kordhiyay, dakhli ilaalin badan ayaanu soo rognay oo dadka iyo Jiwanadoda la isu eego,taasina waxa ay suuro gelisay in Dakhligii Madaarada ka soo bixi jiray Xiliyadan oo kale uu laban laamo,iyada oo taasna Wasaarada maaliyadu ay ka markhaati furayso, Dhismayaashuna waa ka mid waxyaabaha Bilicda leh ee aanu kordhinay” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadu.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland, Badhasaabka Gobolka Hargeysa iyo Adna Aadan Ismaaciil oo iyaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu amaanay Wasaarada Duulista Hawada dedaalka ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa Madaarada dalka,isla markaana loo gaadhsiin lahaa halka ay marayaan Madaarada  Afrika,iy aga oo Madaxda Wasaaradaasina ku dhiiri geliyay inay halkaasi ka sii wadaan Dedaalkooda iyo himilada ay higsanayaan.

Source:Waaheen