Madaxweyne
ku-xigeenka iyo Beeshiisa oo la sheegay inay Saluugsan yihiin
Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Dareenada Boorame yaala
“Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xidhay Telefoonadiisii gacanta tan
iyo intii Digreetadu soo baxday…”
Hargeysa (TNN) xilka qaadistii, Isku-shaandhayntii iyo Magacaabistii
uu doraad Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Xukuumaddiisa ayaa la
sheegayaa inay ka Cadhaysiisay Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/r axmaan
Saylici iyo dadweyne kale oo loogu balan qaaday inay ka mid
noqonayaan xukuumadda oo ka soo jeeda Gobolkiisa.
Sida ay warar Xogogaal ah oo laga soo warinayo dad ka ag dhaw C/raxmaan
Saylici sheegayaan wa xa uu ka xanaaqsan yahay Xubnaha ka soo jeeda
Gobolka Awdal ee xilka laga qaaday ee ay ka mid yih iin Agaasimihii
hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Macdanta iyo Biyaha iyo sidoo
kale wasiirka wasaarada Ciyaaraha kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen
Masuuliyiintii ka soo jeeday Gobolkiisa ee uu isagu keenay wakhtigii
Xukuumadda la dhisayay.
Sidoo kale waxa la wadaaga cadhada la sheegay Madaxweyne ku-xigeenku
inuu ka qaaday Digreeta da Madaxweynaha Beelaha Gobolka Awdal
oo u arka inaan waxba loo soo kordhin gaar ahaan Beeshii sa, halka
beesha loo magacaabay wasiirka Dibu-dajintu u aragto inaanay ahayn
wasaarad dhamystir an, taasoo ay ku sababaynayaan xilka qaadista
Taliyaha Booliisku inaanay u dhigmayn waxa loogu be delay iyagoo ku
doodaya in wasaarada dibu-dajinta ay tahay wasaarad qorshe ahaan
xilkeedii uu dh amaaday.
Wararka u dhaw dhaw Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan
Saylici ayaa sheegaya tan i yo intay soo baxday Digreetada
Madaxweynuhu inuu Telefoonadiisii xidhay isla markaana ay isaga iyo
wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashadu isku af-dhaafeen iyadoo la
sheegay Wasiir ku-xigeenka Waxbarashadu inuu ugu hanjabay inuu
iscasili doono haddii aanu wax ka qaban arrintan oo ay dadka reer
Awdal cabashadoodu culays badan ku hayso
Waxa kale oo uu warku intaa ku daray Beesha Madaxweyne ku-xigeenka
xubnaha kaga jira Golayaas ha Baarlamaanka gaar ahaana kuwa
Wakiiladda inay Telefoonadoodii iyana wada xidheen isla markaa na ay
ku jiraan shirar Doceedyo ay ku lafa-gurayaan qaabkii ay u waajihi
lahaayeen go’aanka Mada xweynaha
Ilaa hada wax war ah oo rasmi ahi kamuu soo bixin masuuliyiinta
Awdal ee ka cadhaysan arrintan ha se yeeshee sida ay ku soo
waramayaan dadweyne kala gedisan oo ka soo jeeda gobolkaasi waxa ka
socda dhaqdhaqaaq lagu Saluugsan yahay Digreetada Madaxweynaha
taasoo aan la garanayn waxay ku danbayn doonto hase yeeshee waxa ay
isla dhex marayeen Gobol ahaan in aanay ka helin wixii ay ka
filayeen, iyadoo arrintan ay cirka ku sii shareertay tabashooyin
badan oo la sheegay inay gobolkaasi ka aloosan yihiin.
Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil ayay ka taagan
yihiin Saluug la mid ah ka Awd al, waxaana laga dareemayaa goobaha
la isugu yimaado iyo Marfishyada cadho xoogan oo lagaga soo horjeedo
Digreetada
Source:Waaheen
|