Madaxweyne Ku xigeenkii Hore Oo siyaasiyiin ugu baaqay inay ku biiraan Xisbiyadda

 


Hargeysa (TNN):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin aya a ugu baaqay siyaasiyiintii ku dhawaaqay golaha madasha wada tashiga in ay ku biiraan sad
dexda xisbi qaran ee dalka ka jira.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu she egay in xisbiyadda loo sameeyay in cidii wax mucaaridaysa ama wax toosinaysaa ka shee gto aragtideeda, waxaanu u soo jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka mid ah siyaasi yiintan is cumaamaday inuu ku qanciyo inay ku biiraan xisbiyadda.

isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Saddexda xisbi waxa loo sameeyay in dadku ku kala biiraan oo halkaa qolo waliba wax ka sheegaan, cidii hadhay ku biirto saddexaa xis bi, goleyaashu waxay ka soo baxaan saddexda xisbi haday tahay gole deegaan iyo haddii ay tahay gole wakiiladda, markaa waxaan leeyahay halka ugu mihiimsan ee wax laga shee gi karaa waxa weeye saddexda xisbi qaran”.

waxaanu intaasi ku ladhay isagoo hadalkiisa sii wata, “Xisbiyada waxaan u samaysanay in wixii tallo iyo toosin ah aan ka sheegno haddii aan taa loo baahnayn, xisbiyada aan iska ba abi’ino, waxaan ku talin lahaa ninkii wax mucaaridaya ama wax toosinaya ama ninkii tallo keenaya saddexda xisbi ha ka mid noqdo.Haddii kale waxay noqonaysaa dabo furan oo qolo waliba tidhaa waxaan samaysanaynaa meel toosina ragana leh wax baan toosinaynaa rag baa ku jira xisbiyada Faysal waxaan leeyahay ragan wax toosinaya xisbiyada keen oo halkaa ha ka toosiyaan” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland