Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo furay dhismeyaal lagu soo kordhiyay Madaarka Hargeysa


 




Hargeysa (TNN)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay dhismaha Terminal cusub oo laga hirgeliyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa iyo dhismeyaal oo cusub oo lagu soo kordhiyay madaarkaasi.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyeen Wasiirradda Duulista Hawadda, Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxay saaka kormeer ku soo mareen xafiisyadda iyo qeybaha kala duwan ee Madaarka Hargeysa, kuwaasi oo lagu qalabeeyay kamarado iyo aalado kale oo loogu tallo-galay dhinaca ammaanka oo ay ugu deeqday dawladda Britain.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Madaxweyne Ku xigeenka uga xog-waramay dhismeyaasha cusub ee madaarka lagu soo kordhiyay, waxaanu tilmaamay in aan madaarka Hargeysa oo la dhisay 1958-kii markii u horeysay ay ku soo kordhiyeen goobaha rakaabka loogu adeego ee Terminal-ka loo yaqaano iyo xafiisyo cusub oo loogu tallo galay inay ku hawl-galaan hawl-wadeenadda laanta socdaalka iyo maaliyadda.

Wasiirku wuxuu uga mahad celiyay dawladda Britain inay ka caawisay qalab iyo aalado badan oo loogu tallo-galay dhinaca nabad-gelyadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu kormeeray 1km iyio 700m oo ay Ha’yadda UNDP ku kordhinayso dhabadda diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka Hargeysa, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Wasiirka Duulista Hawadda iyo Agaasimaha guud.

< Agaasimaha Guud ee wasaaradda Duulista hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Axmed Dalal Faarax oo ka hadlay halkaasi ayaa ka waramay qorshaha casriyaynta madaarka Hargeysa oo ay dhawaan bilaabayaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu si rasmi ah ugu sheegaynaa shacbiga Somaliland in madaarka Hargeysa ma xidhna, madaarka qeybo ayaa furan, qeybta Ganacsiga ee xidhanna waxa laga soo degayaa madaarka Berbera. Bishan 21-keeda ayay shaqadii dib u habaynta iyo balaadhinta dhabadda diyaaradaha Hargeysa ay bilaabmaysaa.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in diyaaradaha yar yari ay soo fadhiisan karaan madaarka Harge ysa isla mudada ay shaqadda balaadhintu ka socoto. Halka kuwa waaweyn ee Ganacsigana loo wareejiyay madaarka Berbera.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay jirtay ay wax badan ka qabteen Madaarka Hargeysa.

“Waxa farxad noo ah isbedelka weyn ee ka muuqda madaarka Cigaal International Airport Hargeysa waxa la dhisay. Madaarka waxa la dhisay xiligii gumaystaha Ingiriisku dalka joogay, mudadii intaasi ka dambeysay waxa lagu kordhiyay madaarka dhisme yar oo nasasho ah illaa mudadii la dhisay illaa imika. Inta xukuumaddani jirtayna dhismeyaal badan ayaanu ku soo kordhinay iyo terminal badan. Waa la arki karaa mudadii aanu joognay wax-qabadka aanu samaynay iyo adeegyadda aanu dadweynaha u qabanayno. Waxa wanaagsan in dadweynuhu arkaan wixii la qabtay oo ay muraayad aad u weyn ku eegaan,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Md. C/Raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu anagu mar walba heegan u nahay haddii aanu xukuumaddii KULMIYE nahay in adeegyadda aasaasiga ah aanu kor u qaad no. Madaarka Hargeysa isbedelka xiligan ka muuqda waa wax aad iyo aad loogu farxo weeye. Waxaana aanu ku ammaanaynaa Wasiirka Duulista iyo hawl-wadeenaddiisa kala shaqeeyayba. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Ha’yadda UNDP oo 1 Km iyo 700m dhabada diyaaraha ah ku kordhinaysa madaarka.imika iyo wixii ka dambeeyaba cidii dhoofaysa iyo dadka soo degaya aba waxay madaarka ka helayaan adeeg raaxo ah.”

Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu si weyn ugu mahad celiyay dawladda Ingiriiska oo uu sheegay inay kala shaqeeyeen xukuumadda qalabka sugidda ammaanka Madaarka Hargeysa.


ource:SO