Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo furay mashruuc weyn oo lagu
hagaajinayo Biyaha afar magaalo
Hargeysa ,6 March , 2012 (TNN)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md.
C/Raxmaan Cabdilaahi Is maacii (Saylici) ayaa maanta furay mashruuc
balaadhan oo la xidhiidha biyo balaadhinta magaaloo yinka
Hargeysa,
Wajaalle, Burco iyo Ceerigaabo
oo ay maal-gelinayso Midowga Yurub
kaasi oo ay ku baxayso 28 Malyan oo Dollar.
Waxa xaflad balaadhan oo Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa
loo sameeyay furitaanka m ashruucan, waxa kale oo ka soo qeyb galay
Wefti ka socday Midowga Yurub oo ay Hoggaaminaysay Xidhiidhiyaha
Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel Faria De
Almeida iyo saraakiil kale oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee
Kenya, Wasiirro, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maareey aha wakaaladda
Biyaha Hargeysa, Maareeyeyaal,Agaasimaha guud ee qorshaynta,
Gudoomiyaha degmada Wajaalle, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
oo ka hadlay xafl adaasi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku
faraxsan yihiin inay maal-gelin u helaan biyo balaadh inta
caasimadda Hargeysa, Burco, Ceerigaabo
iyo Wajaale.
Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu si weyn ugu mahad naqay Midowga Yurub
waxaanu yidhi “Waxaan m aanta farxad weyn ii ah in mashruucan
qiimaha weyn leh oo wax ka taraya nolasha bini’aadam faro badan oo
reer Somaliland ah oo runtii aniga iyo Madaxweynaha Somaliland Md.
Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo) oo ah raggii loo doortay
qarankan sanad iyo badh ka hor, waxa farxad aad ah noo ah inaanu
maal-gelin u helay biyo balaadhintii caasimadda Somaliland iyo sadex
magaalo oo kale oo aan runtii odhan karo farxaddaasi iyo mahadaasi
ILAAHAY kasakow waxa leh Midowga Yurub
ee ku deeqay mashruucan, si nolasha dad badan oo runtii nolasha ugu
adag biyo ku caba inay biyo na diif ah helaan ayuu mashruucani ku
saabsan yahay.”
“Waxa mashruucani faa’iidaynayaa in Magaaladda Hargeysa oo ay ku
nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan iyo
sadexdaasi magaalo ee kale oo iyagana ay ku nool yihiin dad aan aad
u yarayni, waxaanu leenahay midowga Yurub aad iyo aad ayaad ugu
mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso
dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay
xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka
horumarinta.
“Mashruucani wuxuu cadaynayaa inay Somaliland ka gudubtay heerkii
gar-gaarka oo ay u gudubtay heerkii horumarinta kaabeyaasha
dhaqaalaha sida wadooyinka, biyaha iyo wixii la mid ah,”ayuu yidhi
Madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ku baaqay in hirgelinta mashruucan ay
si wada jir ah hareeraha u ga wada joogaan Somaliland iyo Midowga
Yurub-ba.
Md. C/Raxmaan Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagana
waxa noo yaala xukuumad aha an oo aanu ka shaqeynaynaa shuruucdii
maal-gelinta intaasi leegi siday u jiri lahayd oo ay u shaqa yn
lahayd, taasna diyaar ayaanu u nahay. Haddii maalgelintii la helay
oo aan la lexjeclaysan wixii sid iisii ayuu ku noqonayaa. Waxaan
rajaynaynaa inuu noqdo mashruucani mid aynu kaga baxno baryo
dambe.waxaanu u balan qaadaynaa in nidaamka biyaha afartaasi magaalo
la hagaajiyo markuu hir galo mashruucani.”
“Mashruucani waa mashruucii ugu balaadhnaa ee ka hirgala dalka waayo
wuxuu taabanayaa nolas ha bini’aadamka waxaanu wax ka bedelayaa
Kumanaan qof oo reer Somaliland ah. Waxaan leeyahay midowga Yurub
walaalayaal noo hirgaliya waxa la yidhaahdaa oo Soomaalidu ku
maah-maahdaa dhicisku inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaaye.
60% ayaan qabnaa inaanay biyo ku filan helin magaalooyinkan. Waxaan
idinku dardaarayaa waad na siiseen hantidii ee waa inay hawshu hore
u qabsoonto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo
ka hadlay xafladaasi ayaa hadlay dhibaatooyinka ka taan biyo
yaraanta caasimadda Hargeysa waxa uu yidhi “Nidaamka Biyaha ee aynu
xiligan ka cabto biyaha Hargeysa oo Todobaatameeyadii ay dawladii
Shiinuhu ku caawisay dawladii markaa ka jirtay Somalia waxa
xiligaasi dadkii loogu tallo galay waxay ahaayeen ugu badna an 160
kun oo qof inay ka cabaan, maanta waad qiyaasi karaysaan tiradda
dadka ku nool Hargeysi intay leeg yihiin. Waxaanu xil weyn iska
saarnaa oo hadh iyo habeen aanu ka shaqaynaa intaas imi ka jirta oo
aanu ognahay inay aad u yar tahay marka loo eego baahida biyaha ee
adduunk a, intaasi si fiican ayaanu u daryeelaa una ilaalinaa,
laakiin wax kasta oo aanu samayno imika biyo umaanaan kordhin karayn
magaaladda. Ceel aad dayac-tirto ama mid cusub oo la qodaa waxba
kordhin maayo. Waayo magaaladda waxa biyaha u keena laba beeb oo yar
yar oo 12inj ah 23 saacadood ayaanu biyaha soo daynaa haddana
baahida Hargeysa waanu dabooli kari weynay.”
Maareeyuhu wuxuu si weyn ugu mahad celiyay Wasiirka macdanta iyo
biyaha oo uu ku tilmaamay masuul xil weyn iska saaray sidii mashruuc
biyo balaadhin ah loogu heli lahaa caasimadda Hargeysa.
Ibraahim Siyaad waxa kale oo uu mahad celiyay midowga Yurub oo uu
xusay inay noqdeen qaadha an bixiyeyaasha qudha ee ku dhiiraday inay
maal-geliyaan biyo balaadhinta Hargeysa iyo sadex ma gaalo ee kale.
“Qorshuhu siduu yahay haddii ILAAHAY inagu guuleeyo mashruucan loo
fadhiyo waxaynu rajaynay naa in biyaha caasimadda Hargeysa xiligan
yimaada in leegi inay ku korodho.xiligan biyaha Hargeysa yimaadaa
waa 10 kun oo mitir kuyuub, haddii si kale loo dhigana waa konton
kun oo foosto. Waxaan filaynaa inay intaasi in leegi timaado oo
dadka aanay biyuhu gaadhini ay heli doonaan inshaalaahu,”ayuu yidhi
Maareeyaha wakaalada Biyuhu.
Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland
Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray)
oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay uguna
bogaadiyay Midowga Yurub maal-gelinta biyo ba laadhinta afarta
magaalo waxaanu tilmaamay inay Somaliland abaal weyn ugu hayso EU-da
mashruu can.
Wasiirku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qaabka loo fulin doono
mashruucan oo uu xusay inuu yarayn doono xadiga biyo la’aaneed ee ka
taagan magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood.
“Mashruucan biyo balaadhinta magaalooyinka
Hargeysa, Burco Ceerigaabo iyo Wajaale
waa kii u we ynaa ee abid laga sameeyo Somaliland, waxaanan
abaal ugu haynaa midowga yurub mashruucan qii maha leh,” ayuu yidhi
Md. Xuseen Guray.
Wasiirka macdanta oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan
doonayaa inaan halkan ka sheego markii aanu sanad ka hor Nairobi
kula shiray qaadhaan-bixiyeyaasha sida Maraykanka, Midowga Yu rub,
wadamada Asia iyo wadamadda carabta ee aanu u soo bandhignay kana
dalbanay biyo balaadh inta Hargeysa, waxa
kaliya oo ka jawaabay dalabkayagii midowga Yurub waxaanan taasi ugu
hayn aa xushmad aad u weyn.”
Wasiirku wuxuu balan qaaday inay xukuumad ahaan ka shaqayn doonaan
sidii nidaam hufan loogu fulin lahaa mashruucan maal-gashi oo uu ku
sifeeyay mid waxtar weyn leh.
Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo
bariga afrika u qaabilsan EU-da Mrs. Isbel
Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo
maray mashruucaasi.
Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay
xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii
wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka
Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo
Waja ale.Waxa
kale oo ay sheegay in Midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta
dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku
dhufatay in EU-du ay gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda
iyo doorashooyinka Somaliland.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Agaasimaha guud ee wasaaradd
qorshaynta qaranka kuwaasi oo Midowga Yurub ku bogaa diyay
hirgelinta mashruucan oo ay tilmaameen inuu wax weyn ka tarayo
baahidii biyood ee magaalo oyinka laga fulin doono.Waxa kale oo ay
labadaasi masuul si weyn u ammaaneen
Wasiirka macdanta iyo biyaha oo ay sheegeen
inuu isku hawlay sidii uu maal-gelin ugu heli lahaa biyo
yaraanta ka taag an magaaladda Hargeysa iyo kuwa kaleba.
Mashruucan oo uu ku baxayo adduun dhan 28
Malyan oo Dollar, waxa ugu weyn mashruuca biyo ba laadhinta
Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo
loogu tallo galay in la gu fuliyo wajiga koowaad. Waxana lagu qaban
doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo,
kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha
dhibaataddu ka haysato oo la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad
waaweyn la sameeyo magaaladda Hargeysa.
Geesta kale 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, waxa loogu tallo
galay wakalada biyaha Burco, waxa ana ugu jira in sare loo qaado oo
dhuumaha biyaha qaada laga bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal
biyood loo qodo. Halka Magaaladda Ceerigaabo biyo balaadhinteeda loo
asteeyay 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo
balaadhinta.
Waxa kale oo 2 Malyan oo Dollar loo
qoondeeyay magaalada wajaale oo
dhibaato aad iyo aad u wey n oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan.
Source:so
|