Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Soo Anbabaxay Dalka Faransiiska Una Soo Jeeda Somaliland

Paris (TNN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti uu  ho gaaminayay ayaa xalay ka anbabaxay Garoonka diyaardaha caalamiga ee Charles de Gaulle (Roissy/CDG) ee magaalada paris.

Dalka France oo uu in muddo ah ba u joogay hawlo Caafimaad uguna dhamaadey guul iyo caafimad wanaagsan. Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehilinayay socdaalkiisa Wakiilka Somaliland u jooga France Mudane Cali Ismaaciil Xasan iyo kuxigenka wakiilka somaliland ee Sweden Mudane Xuseen Wadadyare.

Warkan oo aanu ka helnay wakiil ku xigeenka dalka Faransiiska u fadhiya Somaliland  ay aa intaa ku daraya Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Ahmed Yuusuf Yaasin uu kusii yara hakan doono Dubai waxaana la filyaa inuu ugasii gudbi doono sida ugu dhakhsaha badan Dalka Somaliland. Xaaladiisa Caafimaad ee haatanna aad u wanaagsan tahey, isl amarkaas waxa uu aad iyo aad ugu mahadsanqaey dadkii la soo xidhiidhey intii uu  joog ey Paris iyo dabcan dhamaan reer Somaliland oo aad iyo aad ugu hanweyn soo  dhawey ntiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu muddo dalka kaga maqnaa arrimo Caafimaad oo uu ugu baxey France imikana xaladisa caafimaad ay aad u wanaagsantahey.

 



Mohamed ABDI ADEN
Wakiil ku xigeenka SL ee France