Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey,oo si diiran loogu soo dhaweeyey Baarlamaanka Wadanka Ingiriiska

 

 

Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska,mudane Cali Adan Cawaale ,oo kulanka sii qorsheey ey , ayaa....


London,May 20,2013 (TNN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ,Mudane Cabdir axmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefdigii ballaadhnaa ee uu hoggaamineyey,ayaa maanta si diirran loo gu soo dhoweeyey guriga Baarlamaanka Wadanka Ingiriiska ee West Minister, Lond on.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa wa r bixin dheer madasha ka jeediyey,kana warramay ujeedada socdaalkooda & xaalada guud ee Dalk u ku sugan yahay.Waxaa shirka ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Dalka Ingiriis ka,saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada,kubaro sare & qaybo ka mid ah saxaafada.

Kulankan oo uu  daa dihineyey Mudane, Sir Tony Baldry MP ,oo ah Guddoomiyaha Guddiga Baarlam aanka UK, ee taageera qaddiyadda Somaliland,ayaa war bixinta Madaxweyne ku-xigeenka ka dib, su'aalo lagu  weydiiyey weftiga , si faah faahsanna ay uga jawaabeen.

Waxaa kulankan  Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey ,Wasiirrada Maaliyadda ,Mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Ganacsiga, Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Safiirka Somaliland ee UK Mudane Cali Adan Cawale, La taliyaha Madaxweynaha Somaliland Arrimaha Haweenka ,Marwo Amaal X. Axmed Miisaan,La taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, mudane Axmed Xasan Carwo iyo Xild hibaan Cabdilaahi Xuseen Cige,oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Dhinaca kale,tan iyo intii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,mudane Axmed Maxamed Max am uud (Siilaanyo),uu u soo magacaabay Safiirka Somaliland ee UK,Mudane Cali Adan Cawaale,wax aa kor u kacay cilaaqaadka & wada shaqaynta u dhaxeysa labada waddan ee Jamhuuriyada Som aliland & Dalka Ingiriiska, si joogto ahna waxay uga wada shaqeeyaan arrimaha & danaha u dhaxe eya labada dal & labada ummadoodba .

 

 



Timacade News Desk
London,UK