Madaxweyne Ku Xigeenka
Somaliland Iyo Hogaa miyayaasha Mucaaradka Oo
Kulmay
Madaxweynaha
Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Hogaamiyayaasha la bada
Xisbi Mucaarid Feysal Cali Waraabe iyo Muse Biixi Cabdi oo ay
wehelin ayaan labadooda ku xigeen ee Aadn Max’ed Mire(Waqaf) iyo C/raxmaan
C / qaadir ayaa kulan ay Albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay
Xarunta Mad axtooyadda ilaa hadana wax war ah lagama soo saarin.
Balse wariyayaasha oo markii ay kulankaa ka soo baxeen wax ka
weydiiyay ayay kaga gaabsadeen inuu kulankaasi la xidhiidhay
dhamaystirka hawlaha Doorashooyinka isla markaana uu jawi fiican ugu
dhacay
Kulankan ayaa sida la filayo wuxuu la xidhiidhaa is mari waa
saddexda Xisbi qaran ka soo waafajahay fulinta Heshiisyadii ay
dhawaan wada gaadheen taasoo kulamo ay toddobaadkii hore wada
yeesheen ay ka soo saari kari waayeen wax horumar ah
Beri ayaa waxa loo balansanaa in dib la isugu soo noqdo si
wadahadalada loo sii wado balse kulankan ayaa u muuqda inay adag
tahay xal u helida khil aafka ka dhashay fulinta go’aamadii la wada
saxeexday oo ahaa ku qabyo ah oo dhamaystirkooda dib loo dhigtay
ilaa hadana murugsan.
Waaheen
|