Madaxweyne Ku xigeenka oo xadhiga ka jaray cisbitaal weyn oo laga hirgeliyay galbeedka Hargeysa

 

 


Hargeysa (TNN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Cisbitaal cusub oo laga hirgeliyay galbeedka magaaladda Hargeysa oo uu sameeyay Dr. Cali Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland.

Xaflada Furitaanka Cusbitaalkan loo qabtay oo ka dhacday xarunta Cusbitaalkaasi oo ku yaala G albeedka Magaalada Hargeysa ayaa ka waxa kale oo ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Sh. Maxamed Aadan, Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), Dr. Cali Maxa med (Aas aasaha Cusbitaalka), Dr. Cabdi C/laahi Cali.

Dr. Cali Maxamed oo ah aas aasaasaha Cisbitaalka, waxaanu u mahad-naqay dhamaan dadkii kala shaqeeyey sidii uu u hir gali lahaa Cusbitaalkani, waxaana hadaladii Dhakhtarka ka mid ahaa wax aanu yidhi “Dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, rayigan dhisitaanka Cusbitaalku waxa uu igu dhashay 11-sano ka hor, waxaanan bilaabay sanadkii 2003-dii, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa Eng. Cismaan oo isagu iga caawiyey Riiga, isla markaana aan ilaa hada I weydiin wax lacag ah oo aan biyaha uun iska dhurto, waxaanan sidoo kale u mahadnaqayaa Cawil oo isna ah Qolada Carwada oo waxa qalab ee Cusbitaalka yaala aan ka soo qaatay, sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cid alaale iyo cidii igala qayb qaadatay sidii Cusbitaalkani u hir geli lahaa”.


“Anigu waxaan sidoo kale ku dedaalayaa sidii Ardeyda Jaamacadaha ee wax lagu barayo Cusbita alkan aan sidoo kale u bari lahaa Diinta,isla markaana in Cusbitaalkan wax lagu baro Ardeyda jaa macadaha Diyaar ayaanu u nahay, waxaanan halkan ka balan qaadayaa in 100 Sariiroodba toban sariirood bilaash ka dhigi doono, taasina sida loogu qaybinayo Culimada ayaan u dhiibayaa,”ayuu yidhi Dr. Cali Axmed.

Dr. Cali oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xanuunka Fistulaha ee isku furanka Haweenka waxa anu diyaar u nahay in aanu halkan ku daweyno, sababta oo ah habka loo daweeyo xanuunkan waxaan ku soo qaatay Tababarkiisa dalka Itoobiya.”

Madaxweyn ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in ba ahi weyn loo qabay cisbitaalka noocan oo kale ah waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaq ayaa Dhakhtarka mudada badan u soo samrayey dhisitaankiisa, waxaanan aad iyo aad ugu fara xsanahay in hada ay dhakhaatiirtii dalka u dhalatay dalka dib ugu soo noqdaan si ay u maalgash adaan dalkeenan curdinka ah.”


“ Imika markaynu maraynay Cusbitaalka waxaan u haystay Cusbitaalkii Dubay ku yaalay oo wak hti aan yara xanuunsaday daweyntiisa u tagay. Dadka Somaliland waxaan leeyahay dalkiina aa mina oo xanuun dalka gudihiisa wax lagaga qaban karo dibada ha u tagina,”ayuu yidhi Madaxwe yne Ku xigeenku.

Guuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladii sii ka mid ahaa “Kolay waxan aan ka hadlayo ee Dhakhtarnimadu shaqadayda maaha.Dhakhtar Cali (aas aasaha Cusbitaalka) fasalkii koowaad ayaanu isku galaas ahayn, waxaanu naga tagay fasalkii sideedaad waxa uu tagay Banaadir oo Boobe ayey isku fasal ahaayeen markaa waxa uu soo bartay dhakhtarnimada”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Markaad halkan (Cusbitaalka Shifo) joogtid, waxaad moodaysaa inaanad Hargeysa ku sugnayn oo Lacagtu markay wax tarto waa markay ku jirto qof Caqli leh oo hagaajinaya, imisa qof ayaa maanta lacag badan haysta oo intay iska kaydsadaan marka laga dhinto la isku dilaa? Aadbay u badan yihiin”.

Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay aya a waano badan oo dhinaca Caafimaadka ah Bulshada u soo jeediyey, isaga oo kula taliyey in ay dalka aaminaan oo aanay wadamada Qurbaha u tagin xanuun dalka wax lagaga qaban karo, wax aana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa
“ Munaasibadan Cusbitaalka Shifo maanta lagu furayo waa mid taariikhi ah waxaanan leeyahay marka hore ILAAHEY ka dhigo Cusbitaalkii Barako leh oo bulshada wax u tara. Ka Wasaarad ahaan waxa naga go’an in la koriyo Cusbitaalada gaarka loo leeyahay, waayo ma jirto Awood ay Xukuumaddu ku daboosho baahida caafimaad ee Bulshada,”ayuu yidhi Wasiirka caafimaadka.

Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Suldaanada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Dr. Cali oo ah aas aasaha Cus bitaalkan oo aan ILAAHEY uga baryayo inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, waxaanan Xukuum adda ku boorin lahaa Cali waxa ka soo fogeeyey in Cusbitaalka ka dhiso magaalada meel ka baxs an waa dhibaato dhul, waayo meeshii la siiyey waa lagu dhibay, meeshan ficil baa lagu siiyey oo markii halkii hore ee uu iibsaday lagu qabsaday ayuu iska daayey oo halkan ayuu Cusbitaalka ka dhisay.

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyey Cusbitaa lkan cusub, waxaanu ILAAHEY uga baryey inuu ka dhigo Cusbitaal Bulshada wax weyn tara.

source:so