Madaxweyne ku xigeenka oo soo jeediyay in shareecada Islaamka dalka lagu xukumo

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku baaqay in Dalka lagu dhaqo shareecadda diinta  Islaam ka , isla markaana meesha laga saaro xeerka hadda Jamhuuriyadda Somaliland lagu dhaqo ee Pariah Code.

Madaxweyne kuxigeenka oo maanta ka hadlayay kulan loo sameeyay Tayaynta guddiga Maamulka Garsoorka iyo Maaraynta Dacwadaha waxaa uu sheegay in Cadaaladda dalku qallooc galay isla markaan bulshadu kalsooni darro ka qaaday taasi oo uu sababteeda ku macnee yay in Xeerka dalka lagu dhaqo aanu mid habaysan ahayn isla markaana Caalamku ka guuray oo 1960 lagu dhaqmi jiray. Sida darteed ay haboon tahay in Somaliland wado kale uga leexatay, jidkaasi oo uu Madaxweyne ku xigeenku ku sifeeyay inuu yahay Shareecadda Diinta Islaamka.

Waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay inaynu samayno gudidii habayn lahayd ama tayayn lahayd shuruucda caalamiga ah oo aynu iska leen ahay, kaas horena waa in guud ahaanba meesha laga saaro, waa inaynu samayno mid Somaliland iska leedahay oo shareecadda islaamka ku qotoma, taasi waa taa”. Waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi “waxa jirta in shuruucdeenii aynu dadka ku dhaqaynay ay u qaybsan yihiin laba qaybood midi waa tan aynu hadda ku shaqayno ee xeerarka inoo ah (pariah Code) mid kalena waa tii aynu hore u lahayn. Kan aynu hadda ku dhaqanaa waa kii 1960-kii lagu dhaqmayay mana haboona inaynu isku hallayno oo dadka ku dhaqno, haddii kale dee koonfurta (Somalia) waxba kama duwanin,”.

“yidhi alifkaad ka tagtaa Albaqruu ku dhibaa. Kiisku waxa uu ka bilaab maa Station-ka (Saldhiga Dhexe), Station-kana haddaanu joogin Qofkii waxn u tabobarnaa waxba hagaagi maayaan, annagu haddaanu  xukuu madda nahay in badan baanu ka hadalnay, waxaanu soo jeedinay in meelahaas laga furo xarumo Academic ah oo inanku marka uu Dugsiga sare ka baxo uu Seddex sanno ku soo qaato Tabobarada maamulka garsoorka iyo maareynta dacwadaha. Haddii kiisku booliska ka xumaado waxba socon maayo.” Ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.


Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu gudida Caddaaladda dalka ugu baaqay in ay sameeyaan guddi hoosaadyo ka shaqeeya arrimaha kiisaska garsoorka, isla markaan yeesha xarumo wareega oo hadba gobol ka hawl gala. “Gobolka aan lahayn racfaan waxaa muhiim ah in loo sameeyo, oo la abuuro kooxo u tabobaran tayaynta garsoorka oo hadba gobol u guura, ninka jooga Ceerigaabo waxa lag ayaabaa inuu Maxakamada sare wax uga baahdo, kolkaa waa in tiimkaa guurguurayaa u tagaan oo ay u dhan yihiin baabuurtiisii iyo qalabkiisiiba, taana waxaan rajaynaayaa inaad qorshihiina ku darsataan.”ayuu Yidhi Md. Yaasiin.

Waxaanu intaa ku daray in dadkeenu ka walaacsan yihiin qaabka ay caddaaladda dalku taal isaagoo ku sifeeyay in xaq daradii iyo Baadilkii xoog batay “Haddaan u soo noqdo Caddaaladda, waxaan filayaa inay dad badani ka xanaaqaan caddaaladeena oo ay murug ku jiro, idinkuna aydaan garanayn halka ay ka qalloocantay, laakiin anigu waxaan garanayaa meesha ka qalloocantay guddidii caddaaladdu wey fadhiyaan maanta, guddida caddaaladdu waa ayo?. Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo labada garsoore ee ku xiga ayaa ka mida, waxa ku xiga agaasimaha Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha guud iyo gudoomiyah Hay’adda Shaqaalaha kuwaasina mar kasta waa mashquul oo (full time job) shaqo wakhtigeedu buuxo ayay ku jiraan berigaa aanu dib u habaynta wadnay waxa ku jiray guddiyadda Odayaasha, Culimaa u diinka iyo Bulshadda rayidka ah, hawshaasina waa ay naga jabtay oo qaybo ayaanu kaga tagnay. Maanta xeer ilaaliyaha guud haddii uu mashquul yahay qoladiinan ( guddida tabobarka loo qabtay) waa inaad sii wadaan oo intay wax hagaagi doonaan idinku isku hawla. Waxa jira afar xubnood oo aan iyagu shaqo buuxda hayn oo ay keenaan golaha guurtida iyo wakiiladu kuwaana bal xoojiya oo tabobara si ay u noqdaan looyaro shaqeeya. Waxanan rajaynayaa inaad dedejisaan tusaale ahaan magaalada hargeysa shanta waaxoodba waxa haboon inay yeeshaan goobo wax lagu xukumo kiisaskana lagu baadho.”.

Waxa kale oo kulankaa ka hadla wasiirka Caddalada, taliyaha ciidamadda booliska iyo xubno kale

 

 


Qarannews