Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

 

Madaxweyne ku xigeenka oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Madaxweyne ku xigeenka  Jamhuu riyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa maanta qasriga Madaxtooyada uu kulan kula yeeshay Wefdi balaadhan oo ka socda Qaramada Midoobay.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Agaasimaha Qaramada Midoobay u  qaa bilsan Ka hortaga Maandooriyayaasha, Dambiyada iyo Argagaxisada Mr Antonio Maria MCosta, waxay si qoto dheer Madaxweyne ku xigeenka uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaabaha looga  hor tagayo Argagaxisada iyo Budhcadbadeeda dhibaatada ku haya   xeebah a Geeska Afrika, waxa kale oo ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada horumarinta ah ee Qaramada Midoobay ay ku caawiyaan Somaliland.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu wefdigaasi uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo u muujiyay in  xukuu mada Somaliland ku faraxsan tahay in ay wax kala qabato hawlaha loo igmaday laantaasi QM u qaabilsan la dagaalanka Argagaxisada, budhcad badeeda iyo dambiyada kale oo ay ka mid yihiin Maandooriyayaashu.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu wefdiga u faah faahiyay kaalinta Somaliland ay ka qaadatay la dagaalanka budhcad badeeda, iyadoo gacanta ku dhigtay maxkamada iyo sharcigana la tiigsatay ilaa iyo 35 budhcad badeed oo ku xukuman 10 ilaa 20 sano oo xadhig ah, ka dib markii lagu helay in ay damacsanaayeen ficilo budhcad badeed ah in ay ka fuliyaan xuduudka Badaha Somaliland.

Wefdigaasi ka socda Qaramada Midoobay oo ka kooban Toddoba  xubno od , inta ay joogaan Somaliland waxa kale oo la filayaa in ay soo  booqd aan Jeelka Mandheera iyo jeelkii weynaa ee Magaalada Hargeysa oo dhismihiisa weli gacanta lagu hayo, iyagoo ballan qaaday in sanadkan dabayaaqadiisa ay dhamays tiri doonaan jeelkaasi.

Kulankaasi maanta dhex maray Madaxweyne ku xigeenka iyo Qaramada Midoobay waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin  Was iirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim , Wasiirka Arrimaha  Gu daha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali , Wasiirka Cadaalada Mudane  Ax med Cali Casoowe iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Mudane Axmed Xaashi.



Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL