WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxawayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxwaynaha Jamu uriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaaa maanta xafii skiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Jaaliya da Somaliland ee dalka Sweden iyo xubno kale oo muhiim ah.

Weftigan ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay hawlaha ay ka shaqeeyaan dalka Sweden ee ku saabsan wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhinacyada badan leh ee xukumada Jamuuriy ada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dedaal an masuuliyiinta dalka Sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan xaalada dalka, dad faro badan oo reer Sweden ah oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax weyn kala qabteen si dii dawlada Sweden loo siin lahaa xogo-dheeraad ah oo ku saabsan qarankan Somaliland, waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee weftigaasi ka mid ka ahaa.

Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa w eftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay dedaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan madax wayne ku xigeenku waxa uu xusay in dadka reer Somaliland ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane’ uu xil weyni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dedaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto ay ugaga warami lahayd dalkoo da halka uu marayo iyo dadkoodu waxay qabsadeen.


ugu danbayntii weftigani waxay sheegeen in ay hordhac u yihiin wefti culus oo dawlada Sweden ka tirsan oo bisha September iman doona dalka.



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.